Akhriso Xukunkii Lagu Riday Dhalinyariadi Reer Galdogob Ee Dhawaan Kufsiga Kula Kacay Gabadh.

Galdogob(GNN):-Shan ka mid ah lix wiil oo bishii hore ee December laba hablood ku kufsaday duleedka Magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug, ayaa waxaa maanta lagu xukumay magaaladaasi.
Culima’udiinka deegaanka oo dacwadan gacanta ku haayay, ayaa ugu dambeen maanta go’aan ka gaaray dacwadaasi, iyadoona wiilasha lagu xukumay xabsi u dhaxeeya shan illaq toban sano, ganaax lacageed iyo jeedal u dhaxeeya 100 illaa 200.

 

 

Xukunkan oo dibad-joog ay ka ahayd saxaafadda, ayaa waxaa hadana soo baxaya warar sheegaya in qoysaska wiilasha ay ku qanceen xukunka ay rideen culimada, oo lagu saleeyay Shareecada Islaamka.
Ammaanka goobta uu xukunka ka dhacay oo aad loo adkeeyay, ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland, Saalax Xabiib Jaamac, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland, Anisa C/qaadir Xaaji Muumin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, General C/qaadir Shire Faarax (Ereg).

 

Xukunka ayaa Sidan udhacay.
Shirwaca Jaamaca Junle waxaa lagu xukumay 200 oo jedel ah, 10 Sanno oo xarig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan $4500 Dollar.
Yaasir Maahir Xaashi waxaa lagu xukumay 200 oo jedel ah, 8 Sanno oo xarig iyo Ganaax lacageed oo dhan $2250 Dollar.
Ayaanle Wale Waxaa lagu xukumay 100 jedal ah, 7 Sanno oo xarig ah iyo Ganaax Lacageed oo dhan $1760 Dollar.
Yaxye Awkax, Waxaa lagu xukumay 100 jedel ah, 6 Sanno oo xarig iyo Ganaax lacageed oo dhan $1700 Dollar.
C/risaaq Xoosh Jabriil, 100 jedel ah, 5 sanno oo xarig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan $1750 Dollar.
Xukunkan, ayaa wuxuu ahaa mid ay si wayn isha ugu hayeen dadka Somaliyeed. Bulshada ayaa ku baaqeysay in ay cadaalad hellaan gabdhihii la kufsaday.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA VIDEO.