WAR DEG DEGA:Masaajid Dalka Kanada Ku Yaalla oo La Weeraray iyo Khasaaraha …….

Rasaasta ayaa lagu furay Xarunta Dhaqanka Islaamka ee Quebec habeenimadii Axadda, sida ay booliisku sheegeen.

Goobjooge ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in laba ruux oo hubaysan ay ka qaybqaateen weerarkan, isla wakaaladduna waxay ku warantay in ay masaajidka galeen askar hubaysan oo ku xeel dheer xeeladaysiga.

Rasaasta ayaa ka dhacday masaajidka oo ku yaala chemin Sainte-Foy, oo ka mid ah labo masaajid oo ay gacanta ku haysto Xarunta Islaamka.