Hay’addaha Garsoorka oo Dalalka Jabuuti,Itoobiya Iyo Somaliland Oo Ku Shiraya Dalka Jabuuti Iyo Nuxurka Qodobada Laga Wada Hadlayo

Masuuliyiinta ayaa waxay dalka Jabuuti kaga qayb galayaan shir dalalka Jabuuti,Itoobiya iyo Somaliland uga furmaya magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan oo hogaaminaya saraakiil ka tirsan bahda garsoorka iyo xeer ilaalinta ayaa gaadhay dalka Jabuuti,halkaas oo ay kaga qayb galayaan shir saddexdaasi dalk ay ku gorfaynayaan wada shaqaynta saddexda dal ee arrimaha cadaaladda iyo xog is waydaarsiga Amaanka saddexda dal ee Jabuuti,Somaliland iyo Itoobiya.

Shirkan oo  ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah waxa uu daba socdaa sidii loo midayn lahaa heshiisyo gaar gaar ahaa oo saddexda dal laba-ba gees u lahayd balse iminka la isku xidhayo sidii loo horumarin lahaa wada shaqayntooda.

Shirkan ayaa sida ay xoguhu noo sheegeen uu ka danbayn doonaa shir kale oo 6 Febarwari ka furmi doona dalka Itoobiya,waxaanay ujeedada shirkan la xidhiidhaa khatarta kooxaha islaamiyiinta ah iyo sidii dacwadahooda la iskaga  kaashan lahaa.

Shirkan ayaa la la xidhiidhinayaa inuu ka dhashay kadib weeraradii ka dhacay dalka Jabuuti iyo Itoobiya kuwaas oo ay Somaliland xudun u tahay sidii ay uga qayb qaadan lahayd sidii  ay loo dhamaystiri lahaa dacwadahooda.