Borussia Dortmund Oo Real Madrid Ka Hoos Xaday Ibrahimovic-ka Cusub Ee Alexander Isak Iyo Da’yarkan Oo Mustaqbalkiisa Ka Tashaday.

Real Madrid ayaa qarka u saarnayd in ay dhamaystirto saxiixa da’yarka sida wayn loo qiimeeyo isla markaana lagu naanayso Ibrahimovic-ka cusub ee Alexander Isak, laakiin kooxda Borussia Dortmund ayaa si wayn Real Madrid ugu garaacday saxiixa 17 jirkan kadib markii uu tababaraha kooxda Dortmund ee  Thomas Tuchel uu dhigiisa Zidane kaga saamayn batay in uu Alexander Isak keensado kooxdiisa, waxayna hadda wararku sheegayaan in Dortmund ay dhamaystirayso saxiixay Alexander Isak.

Wakiilada Alexander Isak ayaa todobaadkii h–e Madrid wada xaajood kula soo yeeshay maamulka Real Mardrid waxaana la sugayay waqtiga ay Los Blancos dhamaystiri doonto Alexander Isak oo ka tirsan kooxda AIK, laakiin wakiilada iyo lataliyaasha Isak ayaa ku sugan Germany si ay u dhamaystiraan heshiiska Borrusia Dortmund ay ku doonayso Alexander Isak.

Wargayska Guardian ayaa ku waramay in Borussia Dortmund ay Alexander Isak ka bixinayso 8.65 milyan gini iyada oo la sheegay in Alexander Isak uu mustaqbalkiisa ka tashaday isla markaana uu Dortmund ka doortay Real Marid. Da’yarkan ayaa lagu waramayaa in uu Dortmund u arkay goobta ugu haboon ee uu horunarkiisa ka sii wadan karo.

Ma aha markii ugu horaysay ee Dortmund ay kooxaha Yurub ugu waa wayn ku garaacday da’yar horumarkiisa ka tashaday waxaana ka horeeyay Ousmane Dembélé oo haddaba horumar wayn ku sameeyay Dortmund. Falishkii Martin Odegaard ee Bernabeu ayaa la filan karaa in uu saamayn ku yeeshay go’aanka uu Isak kaga joogsaday heshiiskii uu Real Madrid ugu biirayay.