Halyaygii Barcelona Ee Hristo Stoichkov Oo Diego Costa U Soo Jeediyay Talo Ay Jamaahiirta Chelsea Ku Farxayaan.

Halyaygii kooxda Barcelona ee  Hristo Stoichkov ayaa runta u sheegay gool dhaliyaha xulka qaranka Spain iyo kooxda Chelsea ee Diego Costa wuxuuna siiyay talo ay jamaahiirta Chelsea jeclaysan doonaan.  Hristo Stoichkov waraysi siiyay wargayska The Sun on Sunday, ayaa Costa u sheegay in wali ay da’diisu yartahay isla markaana uu qiimeeyo dadka malaayiinta ah ee daawada kubbada cagta England halkii uu qiimayn lahaa lacagta China.Hristo Stoichkov ayaa hadalkan sheegay iyada oo wali mugdi la galinayo mustaqbalka Deigo Costa ee kooxdiisa Chelsea kadib markii ay isku dhaceen Antonio Conte. Warar soo baxayay ayaa sheegayay in maamulka Blues ay haddaba sii go’aamiyeen qiimaha ay Costa ku iibin doonaan xagaaga.

Laakiin  Hristo Stoichkov oo Diego Costa talo siinaya ayaa yidhi:

“Taladaydu waa in uu sii joogto halka uu joogto, isagu aad ayuu u da’yar yahay.Maanta kubbada cagta aduunka waxaaka jirta lacag badan, laakiin kubbada cagtu way kala duwan tahay England, Spain, Germany, Mexico ama USA”.

Hristo Stoichkov oo hadalkiisa sii wata kana hadalaya waxa Costa u fiican ayaa yidhi:

“Isaga waxaa muhiim u ah in uu sii joogo England maadaama oo maalin kasta uu sii waynaanayo isla markaana uu helayo dad badan, badan oo ciyaartiisa daawanaya. Waxaa jooga jamaahiir aan la rumaysan karin, kulan kasta garoomadu way buuxaan, waxaana muhiim ah in uu halkaas ka ciyaaro iyada oo 28 sano jir uu aad ugu yar yahay. Maanta lacagtu waa muhiim laakiin in aad haysato malaayiin qof oo ku daawanaya ayaa muhiim ah”.