Warbixin: Ivan Rakitic Oo Xiiso Ka Helaya Kooxaha Horyaalka Ingiriiska Xilli La Sheegay Iney Isku Dhaceen Luis Enrique

Barcelona ayaa kalsooni ku qabta in xidigooda reer Croatia Ivan Rakitic uu qandaraaska u kordhin doono inkastoo uu xiiso ba’an ka helayo kooxaha horyaalka ingiriiska gaar ahaan Manchester City Iyo Manchester United.

Ivan qandaraaska uu kula jiro Barcelona wuxuu dhacayaa 2019, balse muran badan ayaa dhashay markii si xiriir ah looga reebay kooxda Barca ee bishii Decemer la ciyaartay Espanyol iyo Osasuna taasoo keentay in mustaqbalkiisa garoonka Camp Nou shaki badan la galiyo.

 Waxaa soo ifbaxay warar sheegaya iney xurguf dhexmartay Ivan iyo Luis Enrique inkastoo xidigii h–e Sevilla uu xaqiijiyay inuusan ka tagi doonin Barcelona si uu ugu biiro kooxaha horyaalka Ingiriiska.

Si kastaba ma jiraan wax dalabyo rasmi ah oo ka yimid Manchester City ama kooxaha kale taasoo Barcelona looga dalbanayo Rakitic, balse waxaa la fahansan yahay in Pep Guardiola uu xidigaan eeganayo isla markaana uu u arko badalka Yaya Toure.