Daawo-“Saldhiga Berbera Waa Dagaal …” Sheekh Aadan Siiro Oo Khudbadiisii Maanta Ee Saalada Jimce Si Adag Uga Hadley Saldhiga Imaaradka Ee Berbera.

Hargeisa(GNN):-Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada waa weyn ee Somaliland

ayaa waxaa uu qudbadiisii maanta ee saalada Jimce uu kaga hadley saldhig Military oo dawlada imaraadku rabto in ay ka sameysato magaalada Berbera

Sheekha ayaa waxaa uu sheegay in saldhigaasi uu Somaliland u horseedi karo dagaalo iyo colaado sokeeye isla markaana waxaa uu farta ku fiiqay cida saldhigaasi daba ka wada oo uu ku sheegay inanyar oo ujeedadiisu tahay lacag doon, waxaana uu sheeku wacad ku maray in aanay ka yeeli doonin

” Saldhiga imaraadku rabo in uu ka sameysato Berbera waa dagaal aan waddo laheyn , waana shaadh inan yari xidhan yahay , waana lacag doon inan yar ku kooban , waar ka daa baanu ku leenahay , inta caqliga iyo garashada lagu tuhmaayo waxaanu u sheegaynaa in dalka iyo inan yar aanay noqone siduu wanaagu yahay la yeelo ” ayuu yidhi sheekh Aadan Siiro

 

 

 

 

Log1