Hargeysa(GNN)-Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Mudane Maxamed Ibraahin Aadan “Qabyo’tire” iyo wafti uu hogaaminayey oo kamida wasiirada xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay kadib safari shaqo oo ay mudooyinkii u danbeeyey ugu maqnaayeen dalka dibaddiisa.
Mudane Maxamed Qabyo-tire waxa uu sheegay in jaaliyada wadamadaas ay si wayn uga qayb qaateen jawaab deg deg ahna ay ka bixiyeen hawshii ay u socdeen ee ahayd gurmadka iyo taakulaynta dadka macaluusha ,diifta iyo daranyada dariska la ah ee ay abaartu ka caydhaysay xoolihii ay dhaqan jireen isla markaana ku nool deegaanada gobolada bariga Somaliland.
Sidoo kalena mudane Maxamed Ibraahin Qabyo Tire waxa uu ka hadlay saldhiga Milateri ee la sheegay in dawlada Imaaraadka carabtu ka dhisanayso magaalada Berbera.
Waftigan uu hogaaminayo wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland mudane Maxamed Ibraahin Qabyotire ee saaka dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxay socdaalo kala duwan kusoo mareen dalalka Qadar,Imaaraadka Carabta,Baxrayn iyo waliba UK,halkaas oo ay kulamo-na kula qaateen jaaliyadda reer Somaliland ee wadamadasi ku dhaqan iyo masuuliyiinta hay’addaha samafalka iyo dalalka Imaaraadka carabta iyo Waliba UK.