Hargeysa(GNN)-Dawladda Masar ayaa wada dadaalo ay doonayso inay saldhig Milateri uga samaysato soomaliya,Jabuuti iyo Somaliland sida ilo Diblomaasiyadeed oo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen wargeyska Waaheen.
Dawlada Somaliland ayaa iyadu diiday dalabka Masar,iyaga oo kaga dooday inay tahay talaabo ka dhan ah Itoobiya iyo mid fulinaysa kaliya danta gaarka ah ee Masar.
Masuuliyiinta dawlada Somaliya ayaa sidoo kale dalka Masar siiyey jawaab lamid ah tan Somaliland,inkaste oo la rumaysan yahay in dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga ay saamayn xoogan ku yeelatay arrinkan dalabka ah.
Dawlada Jabuuti Ayaan bixin wax jawaab ah oo la taxaluqda inay diiday iyo inay yeeshay dalabkan Masar sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo la hadlay wargeyska Waaheen .
Ujeedada ugu wayn ee Masar ee saldhigan Milateri ayaa la rumaysan yahay in ay tahay in ay hesho marin u saamixi kara inay hakiso biyo xidheenka muranka badanka dhaliyey ee dawladda Itoobiya ka samaysanayso wabiga Nile.
In kaste oo heshiis hor dhac ah laga gaadhay arrinkan ,hadana dawladda Masar ayaa wali ka tanaasulin arrinkan biyo xidheenka ah ee Wabiga Nile iyada oo ka cabsi qabta in heshiiska Itoobiya yahay mid aan la isku halayn Karin.
Waxa jira tuhuno la xidhiidha in Masar ay tageero siinayso Eriteria iyo kooxda Al-shabaab si ay dagaalka ugu sii dheerayso Itoobiya,sidaa daraadeedna ay Itoobiya uga wiiqdo siyaasadda arrimaha gudaha.
Dalabka Masar ayaa imanaya xilli dalalka imaaraadka iyo turkigu ay heshiisyo saldhig la kala galeen dawladaha Somaliland iyo Somaliya halka Sucuudiguna heshiis noocan ah la galeen Jabuuti.