Halkan Ka Akhriso Qiimaha Lagu Iibinayo Raashinka Iyo Maceeshadda Qutul Daruuriga Ah Oo Hoos U Dhacday Hargaysa Iyo …..

Waxaana qiimaha maceeshada qutul daruuriga ah lagu iibiyo ay maalmihii u danbaysay maraysay meel aad u saraysa isla markaana saamaysay  dadka dan yarta ah oo  ay tahli kari waayeen inay iibsadaan raashinkii qutul daruuriga ahaa kadib markii sarrifka lacagta Dollarku ay gaadhay halkii ugu saraysay oo 100$ (Boqolka Dollar) lagu sarrifayey 800,000 ilaa 850,000 (Sideed Boqol ilaa Sideed Boqol iyo Konton Kun) oo shilling somaliland ah.

Qiimaha uu madaxwaynuhu digreetada kusoo saaray ee lagu sarrifayo lacagta dollarka oo fulinteeda ay laamaha dawladu aad uga hawl galeen ayaa keentay inuu hoos u dhaco qiimaha ganacsatadu ku iibinayaan Raashinka iyo maceeshada kale ee qutul daruuriga ah sida Bariiska,Sonkorta,Daqiiqda,Iyo Caanaha.

Waxaana hoos u dhac wayni ku yimi qiimihii lagu iibinayey raashinka iyo maceeshadii  qutul daruuriga ahayd,Suuqyada Hargeysa ayaa ka hor digreetadan lasoo saaray waxa jawaanka Bariiska ah lagu iibinayey qadar lacaga oo dhan 219,000 (Laba Boqol Iyo Sagaal iyo Toban Kun) oo Shilling Somaliland ah balse hadda ayaa lagu iibinayaa jawaanka bariiska ah qadar lacaga oo dhan 178,000 (Boqol Todobaatan iyo Sideed kun) oo shilling Somaliland ah,Jawaanka Sonkorta ah ayaa iyada markii hore lagu iibinayey qadar lacaga oo dhan 284,000 (Laba Boqol iyo Sideetan iyo Afar Kun) oo shilling Somaliland,balse hadda ayaa lagu iibinayaa lacag dhan 231,000 (laba Boqol iyo Soddon iyo Kow kun) oo shilling Somaliland,Jawaanka daqiiqda ah ayaa iyada markii hore lagu iibinayey qadar lacaga oo dhan 167,000 (Boqol Lixdan Iyo Todoba Kun) oo shilling Somaliland ah,balse hadda ayaa waxa lagu iibinayaa qadar lacaga oo dhan 136,000 (Boqol,Soddon iyo Lix Kun) oo shilling Somaliland ah,sidoo kale daasadda caano boodhaha ah ayaa waxa markii hore lagu iibinayey qadar lacaga oo dhan 18$ (Sideed iyo Toban Dollar) Oo u dhiganta 153,000 (boqol iyo Konton iyo Saddex Kun),waxaana hadda lagu iibinayaa qadar lacaga oo dhan 126,000 (boqol,Labaatan iyo Lix Kun) oo shilling Somaliland Ah.

Waxaana hoos u dhac wayni ku yimi qiimaha lagu iibinayo raashinka iyo waliba maceeshadaha kale ee daruuriga ah ,sidoo kalena waxa saaka lagu sarrifayaaa 100$ (boqolka Dollar) 700,000 (Todoba Boqol oo Kun),sidoo kalena 1$ (Halka Dolllar) waxa lagu sarrifayaa 7000 (todoba Kun) oo shilling Somaliland Ah.

Ganacsatada ka ganacsatada raashinka iyo maceeshadda kale ayaa sheegay in saamayn ay ku yeelatay digreetadani qimihii raashinka taasina ay sababtay in hoos uu u dhaco qiimihii raashinka iyo maceeshadda kale lagu iibinayey,sidoo kalena waxay sheegeen in ay marka ay wax iibinayaan ay ku iibiyaan hadda lacagta Somaliland.

Bulshada Somaliland ayaa iyagu aad usoo dhaweeyey go’aanka xukuumadda Somaliland kasoo saartay sicir bararkii dalka ka taagnaa oo sababay in albaabada la iskugu laabo goobihi ganacsi,waxaana la filayaa inay talaabadani noqoto mid hirgasha oo ku dhaqankeeda leh.