Dawladda Masar Oo Somaliland,Somaliya Iyo Jabuuti Ka Dalbatay Saldhigyo Milateri Iyo  Tartanka Gobalka….

Hogaamiyayaasha dalka Masar ayaa tan iyo bishii December ee sanadkii galbaday ee 2016-ka waday daddaalo xoogan oo ay kaga codsanayaan masuuliyiinta saddexdaasi dal ee Somaliland,Somaliya iyo Jabuuti in la siiyo dhul balaadhan oo ay ka dhistaan saldhig Milateri iyo goobo ganacsiba,hase’yeeshee dadaaladan ay waddo dawlada Masar ayaa la sheegay in wali yihiin kuwo aan hirgalin.

Dawlada Somaliland ayaa iyadu diiday dalabka Masar,iyaga oo kaga dooday inay tahay talaabo ka dhan ah Itoobiya iyo mid fulinaysa kaliya danta gaarka  ah ee Masar.

Masuuliyiinta dawlada Somaliya ayaa sidoo kale dalka Masar siiyey jawaab lamid ah tan Somaliland,inkaste oo la rumaysan yahay in dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga ay saamayn xoogan ku yeelatay arrinkan dalabka ah.

Dawlada Jabuuti Ayaan bixin wax jawaab ah oo la taxaluqda inay diiday iyo inay yeeshay  dalabkan Masar sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo la hadlay wargeyska Waaheen .

Ujeedada ugu wayn ee Masar ee saldhigan Milateri ayaa la rumaysan yahay in ay tahay in ay hesho marin u saamixi kara inay hakiso biyo xidheenka muranka badanka dhaliyey ee dawladda Itoobiya ka samaysanayso wabiga Nile.

In kaste oo heshiis hor dhac ah laga gaadhay arrinkan ,hadana dawladda Masar ayaa wali ka tanaasulin arrinkan  biyo xidheenka ah ee Wabiga Nile  iyada oo ka cabsi qabta in heshiiska Itoobiya yahay mid aan la isku halayn Karin.

Waxa jira tuhuno la xidhiidha in Masar ay tageero siinayso Eriteria iyo kooxda Al-shabaab si ay dagaalka ugu sii dheerayso Itoobiya,sidaa daraadeedna ay Itoobiya uga wiiqdo siyaasadda arrimaha gudaha.

Dalabka Masar ayaa imanaya xilli dalalka imaaraadka iyo turkigu ay heshiisyo saldhig la kala galeen dawladaha Somaliland iyo Somaliya halka Sucuudiguna heshiis noocan ah la galeen Jabuuti.