Deeq Bixiyayaasha Caalamiga Ah Oo Shalay Kulan La Yeeshay Saddexda Murashax Madaxwayne Oo Wali Aan Isla Meeldhigin Waqtiga Doorashada 

Kulanka oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa waxa ka qayb galay diblomaasiyiin ka socday dalalka Ingiriiska,iyo Denmark,waxaanay dhagaysteen doodaha iyo aragtiyaha kala fog ee saddexda murashax ee Dr Cabdiraxmaan Cirro,Mujaahid Muuse Biixi iyo Eng Faysal Cali Waraabe isla markaana la xidhiidha arrimaha doorashooyinka iyo xaalada abaareed ee dalka ka taagan

Sida ay ilahan xog ogaalka ahi u sheegeen Geeska Africa murashaxiinta ayaa halkaas kusoo bandhigay aragtiyahooda kala fog,waxaana isku aragti ahaa labada murashax mucaarad ee UCID iyo WADDANI halka murashaxa KULMIYE ka aragti duwanaa labada murashax ee kale.

Murashaxa iyo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi ayaa kulankaas kusoo bandhigay in xisbigiisa iyo xukuumadduba diyaar u yihiin inay ka qayb galaan doorashada loo qoondeeyey inay qabsoonto bisha March ee sanadka 2017-ka,isaga oo xusay inaan la isku xidhin doorashada iyo abaarta jirta,balse doorashada la qabto abaartana loo gurmado.

Murashaxa xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna halkaas kusoo bandhigay aragtidiisa oo ahayd inay dalka ka jirto abaar aad u adagi isla markaana ay dadkii ka hayaameen deegaanadoodii ay hore iskaga diiwaangaliyeen oo aan hadda kaadhadhkoodii loogu gayn Karin,waxaana uu soo jeediyey in loo gurmado dadka ay abaartu halakaysay isla markaana la joojiyo in la bilaabo qaybinta kaadhadhka codbixiyaha.

Gudoomiyaha iyo murashaxa xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa isagu wuxuu kulankaas kusoo bandhigay dood xoogan oo nuxurkeedu ahaa inaan lagu dul ololayn dadka reer Somaliland ee ay abaartu ku habsatay,waxaanu soo bandhigay warbixintii guddiga doorashada ee ahayd in qiyaas ahaan 70% aanay dadkii is diwaangaliyey joogin goobihii loogu gayn lahaa kaadhadhka doorashada lagu codaynayo.

Faysal Cali Waraabe waxa uu beesha caalamka usoo jeediyey inay u gurmadaan dadka ay abaartu saamaysay iyada oo haddana uu jilaalkii bilow yahay.

Laba diblomaasi oo iyaguna kulankaasi ka hadlay ayaa waxay sida ay wararku sheegayaan halkaasi ka sheegeen inay dhawaan dalka imaan doonaan safiiro ka socda dalalkooda,waxaanay xisbiyada iyo murashaxiinta usoo jeediyeen inay sii wadaan wada hadalada iyo isu soo dhawaanshaha si xal loo gaadho.