Deg Deg:- Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Qarka U Saran In Albaabada Loo Laabo + Muda Aanu Shaqeyn Iyo Waxyaabaha Sababay.

Hargeisa(GNN):-Baanka dhexe ee Somaliland ayaa qarka u saaran in albaabada loo laabo, ka dib markii u tahli kari wayay inuu la tacaalo kor u kaca iyo is bedbedelka aan xuduuda laheyn ee sarifka lacagaha qalaad.

Waxaanu ku guul-dareystay si uu jiritaankiisu u noqdo mid sii waara in uu ilaalliyo oo uu tayeeyo lacagta shilinka Somaliland.

Xogo hoose oo u dhuun daloola dhaq dhaqaaqa baanka ayaa iftiiminaya in aanu baanka dhexe ee Somaliland maalmahan u danbeeyay u shaqeynin sidiisi caadiga aheyd.

Waxaana la arkeyey shaleyto iyo maanta wakhtiyada caadiga ah ee shaqada siiba galinka hore abaaro siddeedi subaxnimo iyo inta ka sokeysa ay xidhnaayeen albaabada laga galo baanka taasi oo aan looga baran in xiligaasi la xidho .

Todobaadadii ugu danbeeyay waxaa Somaliland naafeeyay sixir barar xadhkaha goostay oo baanka dhexe iyo wasaarada maaliyaduba wax ka qabashadiisa ay siyaabo kala duwan uga hadleen.

Baanka Somaliland ayaa hadii lagu sii jiro duruufta sixir-barar, iyo tan dhaqaale xumo ee Somaliland ka jirta ayaa waxaa uu isu badali doona goob  guud ahaanba u taagan in laysku tilmaansado oo kaliya.

Inkasta Oo Todobaadkii Hore Wasiirada Maaliyada Somaliland Ku Wareejisay Lacag Dhan 5 Milyan Oo Dollar oo Ah Lacagtii Cashuurta ee Laga Shubay Shirkada DPW ee Maalgashiga Ku Sameynaysa Dekeda Berbera, Haddana Lacagtaasi Maysan Noqon Lacag Lagula Tacaalo Kor u Kaca Iyo Hoose U Dhigi Qiimaha Dollarka Somaliland oo Saameyn Taban Ku Yeeshay Waddanka Iyo Maciishada, Balse Waxaa Wasiirada Wasaarada Maaliyadu Amar Ku Siisay In Lacagtaasi La Bixitaankeed\ iyo Maamulkeed Ay Awood Gaar Ah U Leedahay Iyagu Islamarkaan Lagu Shubo Account Ay ula Magac Baxday Account 11. Sikastaba ha Ahaatee Haddaan Arrinta Qorshe Lagaga Hor Tagin Waxay Noqon Doontaa Mid Shaqsi Shaqsi u Taabata Bulshada Qaybaheed Kala Duwan.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News network

Axmed Almis.