GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE EE LAANTA FINLAND OO JAWAAB ADAG KA BIXIYAY HADAL KASOO YEEDHAY DHIGIISA XISBIGA WADANI EE DALKA UK

Gabiley (GNN) Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Dalka Finland Mudane Ahmed Khaliif oo lasoo xidhiidhay warbaahinta Madaxa banaan ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeedhay dhigiisa Xisbiga Wadani ee Dalka Uk Mr Xuseen Aden Cade oo isagu eedayn usoo jeediyay Musharaxa Madaxaweynaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse biixi cabdi.

Gudoomiye axmed khaliif waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan.

Waxaan leeyahay Xuseen Aden Cadow Dalkan iyo Dadkan ba cid Muuse Biixi iyo ragga la midka ah uga tudhaale badani ma jirto waa raggii Naftooda u soo horay ee dhib iyo nolol qadhaadhba lasoo wadaagay maantana iyagay Damqaysaa dhibka Dadkooda haystaa iyagaa habeen iyo maalinba u sarataagan iyagaa Hiil iyo hooba la Garab Taagan bal intaanad tudhaale ka hadal Umadda usheeg musharaxaagu (Cabdiraxmaan Cirro) wuxuu Dalkan gashaday iyo maalinta uu wax taray.

Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Laanta Finland isagoo Hadalkiisa sii watana wuxa uu intaa  ku daray, Ilaa hadda mahayno meel Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye kaga hadlay Doorashada iyo wakhtigeeda waana been cad oon Sal iyo raad Toona lahay waxaynu ognahay in Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu mashquul ku yihiin sabato Bixinta Dadkooda Abaaruhu Saameeyeen , Hawshaa Doorashadana waxa inooga Wakiil ah Komishanka Doorashooyinka Qaranka anigoon ka hordhacayn waxan Bulshada u cadaynayaa inaan Xisbiga Kulmiye aanu Marnaba ka hor imanayn wixii Dan u ah Shacabka Reer Somaliland oo uu xisbiga kulmiye marwalba yahay mid heegan ugu jira danaha shacabk.

mar aanu waydiinay sida uu arko in Muuse Biixi uu kursiga uun u muuqdo sida uu sheegay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Uk

waxa uu ku jawaabay gudoomiye axmed sidan

Hadalkaasi waxaan u arkaa hadal jaban waayo  majiro wax welwel ah oo Xisbiga Kulmiye ka qabaa Kursiga Musharaxayaguna (Muuse Biici)cid Dalka uga lexejeclo badani ma jirto markaad eegto ragga la tartamaya, waxaanan  hubnaa Inaanu aqlabiyada Shacabka haysano 70%  Markaa  sabab aanu ku degdegnaaba majirto manihin Xisbi Mucaarad ah ee Madxweynaha fadhiyaana waa Madxweynahayagii waa Aasaasihii Xisbiga Kulmiye Madaxweynaha bedeli Doonaana waa Muuse Biixiye Qolada Wadani sidaa haku Biyo cabaan.

Walaalkay Xuseen Aden Cadena waxan leeyahay Dadka ugu badan ee Abaaruhu saameeyeen waa Dadkii Xisbiga Kulmiye Codka ka sugayay Muse Biixina Codka uu Gobolada Galbeed ka helayo waxa ka badan ka uu ka helayo Gobolada Bari ee Somaliland

Sikastaba ha ahaatee Masuuliyiinta Xisbiga Wadani oo iyagu hore Beesha caalamka ugu gudbiyay Dacwad ka dhan Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisa oo ay ku eedaynayeen inaanay doonayn in Dalka doorasho ka qabsoonto ayaa haatan u muuqda kuwa Hadalkooda yahay uun ilmadii yaxaaska.

Gabiley.net

Office Gabiley