Indha Adagaa Ma Reer Mudug Baa!-By: A.A.Cumar [Wayab]

Adduunyada nin noolow, maxaa aragti kuu laaban ayaa horeba loo yidhi. Waxa kale oo  ay Soomaalidu ku tilmaamaan dadka ku nool degaannada Mudug indho adayg.  Haddaba bulshooy bal ila arka mas’uuliyiinta Xisbiga Waddani oo marka istuudyeyaasha telefishannada qaar ka mida laga baahiyo xubno sarsare oo ka tirsan Federaal ku sheegga Soomaaliya oo si cad uga warramaya inay ku kulmeen Nairobi Cirro iyo weftigiisii, sida Farmaajo  oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, haatana ka mida Murrashaxiinta jagada Madaxweynaha Soomaaliya  ee haddana  ay weli siyaasiyiinta hoggaamiya Xisbiga Waddani  la soo taagan yihiin shaashadaha [Kulmiyaa ka dembeeya!!!

Waxaan filayaa, in Xisbiga Waddani waxa kaliya ee u hadhay ay tahay, in berrina intay Telefishannada soo hor  fadhiistaan  ay inoo sheegaan  in Xisbiga  Kulmiye ka dembeeyo  abaaraha haleelay Gobollada Bari ee Jamhuuriyadda Somaliland. Subxaanka yaa Rabbi!!! Bal  eega, nimanka madaxda sheeganaya ee Xisbiga Waddani oo  markii dalka la keenay Wargeysyadii dalka Kiiniya ee daabacay warka kulankII Nairobi ku dhexmaray bishii  20-kii Dec,2016, weftigii Xisbiga Waddani ee C/raxmaan Cirro hoggaaminayey iyo Ra’iisal Wasaaraha Somaaliya Cumar C/rashiid iyo xubno kale, ay haddana mar kale fagaarayaasha la soo istaageen [Kulmiyaa ka dembeeya oo kasoo waariday Nairobi oo ah halkii lagu daabacay Wargeysyadan.

Waxa khasab ka dhigay in Wargeyskii qoray warkaa la keeno  Hargeysa, waxa sababay hadalladii kasoo yeedhay Madaxda Xisbiga ee ay ku beeninayeen warkii ay warbaahinta dalku kasoo xigatay Wargeyska la yidhaa [The Star] isla markaana ku tilmaameen sawirradii kulanka ee rasmiga ahaa ee shabakadaha wararku soo dhigeen bogaggooda hore, haseyeeshee ay Madaxda XISBIGA Waddani ku sifeeyeen muuqaallo  laysku soo dhedhejiyey oo uu ka dembeeyey Xisbiga Kulmiye!!! Waa siday u yidhaahdeen hadalladoodiiye.

Siyaasaddu maaha inaad mar walba beeniso oo aad si fudud isaga tidhaa, waa waxba kama jiraan, balse waxa ay tahay mid u baahan rogrogis fara-badan, la tashiyo kala duwan, si aad u hesho xal aad ku furfurto haddaad gasho debino siyaasadeed oo aanay suurtagal ahayn inaad si kale uga  daboosho indhaha dadweynahda.. Arrintan ka jawaabisteeda waxa ugu dhawaa hoggaamiyaha Xisbigaas Xirsi oo yidhi, [ Maxaa la nooga shaki waayey waagii aniga iyo Maxamad Biixi Yoonis la kulmi jirnay Madaxda Somaaliya?] Waa run oo hawl uu qaranku u igmaday ayey ahayd oo sharciyad ku fadhiday, maantase cid u cugatay hawshaa ma jirto, haseahaatee hadduu xisbigu doortay siyaasadda Qaranka midka ka leexsan oo uu tartanka ku galayo siyaasad lug ku leh soo celinta midowgii la eeday, uma qurux badana inuu dafiraad la soo taagnaado ee waxa uga habboon inay ka badheedhaan.

Inkastoo siyaasaddu aanay lahayn qaaciido la raaco sida xisaabta oo kale, balse haddana waxa lagama maarmaan, ah   in loo soo bandhigo si farsamo iyo farshaxanimo ku jirto, haddayse kaa noqoto mid bilaa direys ah, waxba kama duwanid sidii qof qaawan oo shaarica lugeynaya oo kale.. Waxa sida badan siyaasadda lagu cabbiraa inay ku dhawdahay, sida ta  go’aannada ay ku qaataan tababarayaasha kubbadda cagtu waqtiyada tartannadu socdaan. Xilliyadaa tababaruhu markuu ogaado in lagaga xoog roonyahay shaxdii  ay ku ciyaarayeen kooxdiisu, si dhakhso ah ayaa markaa u beddelaa shaxdiisii hore una soo dhigaa mid cusub oo uu kaga guulaysan  karo kooxda tartanku ka dhexeeyo.

Sidaa darteed, waxaan u soo jeedinayaa mas’uuliyiinta Xisbiga Waddani oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ahna Murrashaxa u tartamaya Xisbiga inay iska dhaafaan weedhaha naxligu ka buuxo ee kala irdheynaya shacbiga ay codka ka doonayaan, gaar ahaana C/raxmaan Cirro oo malaha sheydaano kelya-kelyeeyeen maalin dhaweyd, waayo waxa ay dad badani u haysteen shakhsi  afgaaban oo ka fog isku dhufashada iyo kala fogeynta, waase noqon waayey.

Hawlwadeenno ka Tirsan UNDP oo ku Dhaawacmay Qarax ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho(W,Wararka)-Qarax ayaa shalay ka dhacay meel aan ka fogeyn xarunta hay’ada horumarinta Qaramada Midoobay UNDP, kaasi oo sababay dhaawaca afar kamid ah shaqaalaha hay’adaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay geerash ku dhexyaala inta u dhaxeysa xarunta UNDP iyo Hudheelka  Jazeera halkaasi oo habeen hore gaadhigu uu ku baryay, waxaana la sheegay  in qaraxa uu ku xidhnaa mid kamid ah gaadiidka hay’addu ay leedahay.

Saraakiil ka tirsan hay’ada UNDP ayaa warbaahinta  u xaqiijiyay in ilaalada hay’adda ay la wareegeen geerashka  uu gaadhiga qarxay la dhigay.

Ciidamada nabad sugida dawladda Muqdisho  oo uu horkacayo taliyaha nabbad sugida ayaa tagay goobta qaraxa uu ka dhacay. Waxaana la sheegay inay wadaan baadhis la xidhiidha ciddii fududeysan qaraxan. Nooca gaadhiga qaraxa lagu xidhay ayaa ahaa HILUX oo Soomaalida u taqaan Qooqan.Saraakiisha ciidamada ilaalada UNDP ayaa sheegay inay qabteen dad lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen falka qaraxa ah.Qaraxa ayaa yimid iyadoo shalay subax  amaanka magaalada Muqdisho aad loo adkeynayay.Sidoo kalena, Ururka Alshabaab ayaa shaaciyay magaca qofkii waday gaadhi lagu qarxiyay Hudheelka  Peace ee magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya,  iyagoo sheegtay in weerarkaas ay ku dileen 30 ruux oo ay ku jireen saraakiil ajaaniib ah kuna dhaawaceen 45 kale.

Alshabaab ayaa ku sheegtay magaca qofka isku qarxiyay Hudheelka Peace oo ahaa bartilmaameedka weerarkii dhacay 2-dII January  2017 Maxamed Abuukar Calasow (Ahlu Sufa) oo ka soo jeeda Beesha Abgaal Jufada Daa’uud.

By: A.A.Cumar [Wayab]