Daawo:- Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Warbixiyay Koox Dhaawac-day Saddex Qof + Halka Ay Ku Dhaawaceen Iyo Magaca Kooxdan

Hargeisa(GNN):-Ciidanka booliska Somaliland ayaa ka warbixiyay Dabley hubeysan oo dhaawacday saddex qof oo rakaaba kuna dhaawacday inta u dhaxeysa degmada  Guumeys iyo deegaanka Oog.

Goobtan ayaaa ah meel inta badan lagu baadho gaadiidka u kala socdaalaya Laascaanood iyo Burco, ilaa hadana lama hayo cidii ka danbeysay dhaawaca saddexdan qof ee rakaabka ah.

Taliyaha qaybta booliska ee saldhiga Oog ayaa ka waramay dhaawaca loogeystay saddexdaa qof ee rakaabka ah “halkan aanu hada joognaa waa buundooyinkii u dhaxeeyay Guumeys iyo Oog, waana meel aad u dhibaato badan habeenkii xalay ahaa abaaro, sagaalkii iyo waxooga ayaa koox budhcad bari la yidhaaho ay halkan galeen, waxaanay wakhti kasta ku dhibaateeyaan dadka rakaabka ah ee goobtan maray, xalo u danbeysay waxaa ay ku dhaawaceen saddex ruux”

Halkan Ka Daawo