Khilaaf Xoogan Oo Ka Dhex Qarxay Maareeyaha Dekeda Berbera Iyo Ku Xigeenkiisa+Ku Xigeenka Oo Madaxtooyada Ashkato Ugu Yimid

Berbera(GNN):-Waxaa Maalmihii u Danbeeyay Ayaa waxa Soo Baxaya Muran Xaga Maamulka ah oo u Dhexeeyay Maareeyaha Dekada Berbera Axmed Yuusuf Dirir iyo Maareeye Ku Xigeenkiisa Cabdi Cabdilaahi Xasan Mataan,

Wararka Laga Hellayo Illo Xog Ogaala Ayaana Tibaaxay In Xiligan Maareeye Ku Xigeenkii Dekadu Ku Maqanyahay Ashkato Dhanka Madaxtooyada Somaliland Ah,

Khilaafkana Ayaa Bishii Ugu Horaysay,ba Debada Usoo Baxay Markii Aya Shaqada wada Bilaabeen Labada Mareeye,Taasi oo Ku Beegnayd Xilli uu Mareeye Axmed Yuusuf u Ambabaxay Safar Dibada ah.

Murankan Ayaa waqtigaa Waxa Dhexgalay oo Dhameeyay Rag mudakar ah oo Reer Berbera Ah,

Hadaba wararka u Danbeeyay ee Sadexdii Casho ee u Danbayasay Debada Usoo Baxay  Ayaa Iftiimyayay in Markale Uusoo Laba kacleeyay Murankii Labada Mareeye Ee Dekada Berbera Waxaana Wararka Qaarkood Sheeegayaan in uu IS Casiley Mareeye Ku Xigeenkii Dekada Berbera in kasta oo aan la hubin.

Wararka kale Ee Laga Hellayo Dekada berbera Ayaa Sheegaya in Si Kumeel Gaadha Shaqadii Maareeye Ku Xigeenka Dekada Berbera uu Xiligan Usii Hayo Sarkaal sare oo ka Tirsan Dekada Berbera oo Magaciisu Yahay Siciid Aadan Diiriye.

Sikastaba Ha Ahaatee Wakhtigii Yaree ee uu Gacanta Ku hayey Maareeyahan Cusub Dekeda Berbera Ayaad Moodaa In Hoose Dhacweyni Ku yimid Dhicii Waxsoosaarka Dhaqaalaha Iyo Habsami U Socodkii Shaqada Taas uu Sabab u Yahay Maareeyaha Wakhtigan Jooga Oo Aan In Badan Khibradd Maamul Iyo Mid Wax Soosaarba u lahayn Arimaha Dekedaha iyo Dakhlisoosaarka, Waxaana Wararka Qaar Sheegayaan in bilihii u Danbeeyey u Ku mashquulay Arrimo Dhaqaale Urursi Iyo Dano Shaqsi Ah.

Kalasoco Arimaha La Xidhiidha Wararkan Shabakada Gabiley.Net.