Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye Oo Cusbitaalka Hargeisa Ku Booqday Saxafi Xassan Maxamed yuusuf.

Hargeisa(GNN):-Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenkiisa labaad Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa ku booqday cusbitaalka guud ee Hargeysa xubno haldoorka Somaliland ka mid ah oo ay ka mid yihiin saxafiga ruug-caddaaga ah ee Xasan Maxamed Yuusuf iyo fannaanka Cabdinaasir Macallin Caydiid oo xannuuno u jiifa cusbitaalka guud, kuwaas oo xog-ogaal u noqdeen xaaladda ay xilligan ku sugan yihiin, isla markaana ay Alle uga baryeen inuu caafimaad buuxa oo degdeg ah siiyo.
Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE waxa kaloo ay kormeereen goobo kala duwan oo ka mid ah cusbitaalka guud ee Hargeysa, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Waaxda Korontada Cusbitaalka oo lagu qalabeeyey mishiinno casri ah, qaybta siffaynta kelyaha, Waadhka Carruurta lagula tacaalo iyo Waadh aad u ballaadhan oo loo dhisayo qaybta gargaarka degdega ee cusbitaalka, waxaanna warbixinno ka siiyey Agaasimaha guud ee Cusbitaalka oo ku wehelinayey kormeerka.

15977637_361497120880680_4676019012030329462_n 16114237_361498590880533_7394784897748433206_n 16114517_361498574213868_1862233691681130324_n 16142764_361496967547362_2497948238629393703_n 16143169_361497910880601_1590889715444721260_n 16195301_361498304213895_4666630114520820225_n 16195506_361497920880600_1298112038168832180_n 16195651_361496834214042_9191038880521914947_n