Mid Ka Mida Xilldhibaanada Golaha Guurtida Oo La Iibinayo Kursiga Uu Ku Fadhiyo Iyo Sababaha Keenay In La Iibiyo!!!

Muddo Labaatan Sanno iyo dheeraada ayaa laga joogaa Waqtigii Golaha Guurtida lagu soo doortay Nidaamkii Habka Beelaha ee Xeerka Axdi Qarameedku dhigayay iyagoo Sadex Muddo Xileed oo Mudo Xileedkiiba Shan Sanno yahay Kuraasta ku Fadhiyaan Muddo Kordhin iyadoo ilaa Maanta la hadal hayn Waqtiga Dalka S/land laga Qabanayo Doorashada Golaha Guurtida Xeer kasta oo Bulshada S/land Heshiis ku tahay halagu soo doortee .

Iyadoo Shirwaynihii Sadexaad ee Beelaha S/land ee ka qabsoomay Magaalada Hargaysa Xilldhibaanadii Golaha Guurtida ee Bud Dhiga u ahaa Shirwaynaha ay ka Nool yihiin Lix Xilldhibaan oo kala ah Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Xilldhibaan Siciid Xilldhibaan Xaaji Cabdi kariin Xuseen (Cabdi Waraabe ), Xilldhibaan Muxumad Aw Axmad, Xilldhibaan Aadan Qalinle iyo Laba Xilldhibaan oo kale.

golaha gurtida

Halka 75 Xilldhibaan oo Golaha Guurtida ahi Kuraasta ku fadhiyaan Dhaxal iyo Gudoomiye Saleemaan Maxamuud Aadan uu Xillka Culus ee Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka S/land uu ku fadhiyo Xilldhibaan Beeshiisa ah oo Xubinimadii Golaha Guurtida uga baxay isagoo Gudoomiye Saleemaan ku Abaal mariyay in Xilldhibaankii uga baxay u Magacaabo la taliyaha Xaga Sharciga ee Golaha Guurtida iyadoo Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan Golaha Guurtida Gadhwadeen ka yahay Muddo Sadex iyo Toban Sanno ah waana Siyaasi Saaxada Siyaasada S/land Ruug Cadaa ka ahaa balse ku Guuldaraystay in uu Golayaasha Xeer Dajinta Xeerka lagu soo Dooranayo uu Dhamaystiro.

Waxaana Maalinba Maalinta ka danbaysa isa soo taraya Wararka Sheegaya in Beelaha ay ku Abtirsadaan Xilldhibaanada Golaha Guurtida ee Dhaxalka ku Fadhiyaa ay Odayada Beeshoodu la kadeedan yihiin Xalinta Khilaafyo soo noqnoqda oo ka dhex dhaca Xilldhibaanada Golaha Guurtida ee Dhaxalka ku fadhiya iyo Raga ay Walaalaha yihiin ee Aabahood Kursiga loo doortay Labaatan Sanno ka hor Geeriduna ugu timid isagoo Xilldhibaan ah iyadoo si gaara Kuraasta Dhaxalka ah la iskugu Qabsado Xilliga ay muuqato in Madaxwayne Siiraanyo Golaha Guurtida ka Codsanayo in ay u kordhiyaan Muddo Xileedkiisa Dhamaaday Khilaafkan oo ah mid ka dhex qarxa Xilldhibaanada Golaha Guurtida iyo Raga ay Walaalaha yihiin Xilliyada Mooshinada Dhaameelka Laaluushka leh Golaha la hor keenayo .

Iyadoo Bishii u danbaysay Beelo ka mida Beelaha S/land Xall iyo Maaro u waayeen Khilaaf Cakiran oo ka dhex qarxay Xilldhibaan ka mida Golaha Guurtida S/land iyo Todoba Raga oo la dhashay oo Kursiga Dhaxalka ah ee Walaalkood  ku fadhiyo isku haysta  iyadoo Beeshani markay Xall u wayday Go”aamisay in la Iibiyo Xubinimadii Xilldhibaanka Golaha Guurtida ah Dabadeedna Walaalaha iskhilaafay loo qaybiyo Lacagta lagu Iibsaday .

Wariye ka tirsan Shabakada wajaalenews.net oo u kuur galay waxuu Sabobay Khilaafkan Cakiran ee loo Maaro waayay ayaa ka Waraystay Odayada Beeshan soo bandhigtay Iibka Xubinimada Xilldhibaan ka mida Golaha Guurtida waxaanay Odayada Beesha Xilldhibaanku u Sheegeen Wariyaha in Iiibka Kursiga Dhaxalka ah uu keenay Khilaaf Cakiran oo Xall iyo  Maaro loo Waayay.

Mar uu waydiiyay Wariyuhu Odayada Beesha Su”aasha ah ma u Sheegteen Xilldhibaanka iyo Raga Walaalaha ah in Beeshu Kursiga lahayd Aabahoodna u dooratay in uu ka mid noqdo Xilldhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka S/land ama Golaha Guurtida imikana Beeshu Gar u leedahay in ay soo Badalato Kursiga mar hadii Khilaaf loo Xall Waayay ka dhashay? Odayadii Beeshu waxay ugu Jawaabeen Wariyaha Haa waan u bandhignay Taladaa Ballse Xilldhibaanka iyo  Raga Walaalaha yihiin waxay si wada jir ah noogu Hanjabeen in ay ka Dagaalami doonaan hadii ay Odayadu Beeshoodu isku dayaan in ay Dhaxal wareejiyaan oo Dhaxalkii Aabahood loo Iibin waayo Dabadeedna loo qaybin waayo .

Ugu Danbayn waxay Odayada Beeshu Xall kama danbaysa u arkeen in la Iibiyo Kursiga Dhaxalka ah ee Xilldhibaanada Golaha Guurtida dabadeedna loo qaybiyo Qiimaha la siisto Xilldhibaanka iyo Raga Walaalaha ah intay isku dili lahaayeen sidaana waxaa lagu Iibinayaa Kursi Dhaxal ah oo ka mida Xilldhibaanada Golaha Guurtida S/land iyadoo Qiimaha lagu Iibinayo Maalmaha soo socda Shaashadaha Warbaahinta laga Baahin doono .

Fiiro Gaara Waa Qormo Mala Awaala Oo Lagu Falanqaynayo Muddo Dhaafka Xilldhibaanada Golaha Guurtida Iyo Dhibaatooyinka Ka Dhalan Kara Hadii Doorashadooda La Iska Ilaawo Xeer Kasta Oo Bulshada S/land Ku Heshiis Tahay Iyo Nidaam Kasta Oo Lagu Heshiiyo Ha lagu Soo Doortee .