Mulkiilaha SOMCABLE Maxamed Aw Siciid Wuu U Qalmaa Biladda Maal-gashiga Ganacsiga Xorta Ee Somaliland Tobankii Sano Ee U Danbeeyey!!

Waxaan doonayaa in aan maqaalkan idinkula wadaago aragtidayda oo aan kaga jawaabayo dacaayado raqiisa oo La doonayo in la gu wiiqo doorka uu ku leeyahay horumarka iyo maalgashiga ganacsiga xorta ah ee dalka Jamhuuriyada Somaliland ka hirgalay rubuc qarnigii aynu  lasoo noqonay xornimadeena in madmadaw la galiyo. Waayo?

Guulaha ay shirkada SOMCABLE ka gaadhay keenida adeega casriga ee internetka waxaa u sahlay aqoonta iyo waayo aragnimada mulkiilaha shirkadani u leeyahay maalgashiga ganacsiga xorta iyo ka ganacsiga adeega ay shirkadani bixinayso iyo shaqaalihii muwaadiniinta ahaa ee mudooyinka faraha badan kusoo shaqaynayay adeegan oo helay fursado ay ku kordhiyaan aqoontoodii iyo waayo-aragnimadii ay guryaha la fadhiyeen.

mulkiilaha somcable

Shirkada SOMCABLE waxay jabisay oo dhulka dhigtay adeegii internet-ka ee qaaliga iyo culayska badnaa ee ay bixin jireen shirkadihii hore ugusii jiray suuqan isgaadhsiinta oo hore ugu gumaystay shacabka reer Somaliland isla markaana ah kuwa ka dagaalamaya in lagu la tartamo iibinta adeega internetka suuqa Somaliland.

Ciladaha ku yimaada isticmaalka adeega internet-ka ay bixiyaan shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland oo aad u faro badnaa ka hor intii aanay soo galin suuqa  shirkada casriga ee SOMCABLE oo gebi ahaan ba tirtirtay cabashooyinkii ciladaha ee dhaqaalaha iyo wakhtiga laga ga lumin jiray macaamiisha.

Mulkiilaha shirkada isgaadhsiinta casriga ah ee SOMCABLE Maxamed Aw Siciid, wuxuu kaga duwan yahay mulkiilayaasha shirkadaha kale ee isgaadhsiinta, waa muwaadin u dhashay Somaliland una huray inuu dalka ku maalgaliyo dhaqaale ka badan Konton Milyan oo doolarka Maraykanka ah ($50,000,000) waa na lexejeclada gaarka ah ee mulkiilahani dheer yahay mulkiilayaasha shirkadaha kale oo qaarkood ka soo jeedaan dalalka ay ugu sokayso koonfurta Soomaaliya.

Mulkiilayaasha shirkaduhu waa muwaadiniin dhaqaalohooda galiyey dalka si dhaqaalaha dalku kor ugu koco, u na baahi tiraan shacabkooda taasi oo aan odhan karo waa waajib guud oo saarnaa qof kasta oo muwaadina na u furan inuu galo haddii uu fikrad iyo baahi adeeg ama badeecad shacabkiisu baahi u qabaan taasi oo dawlada ay ka dhex shaqaynayaan na loo ga baahan yahay in ay u dejiso shuruucdii u ogolaanayey deegaankaa ay ku dhex shaqaynayaan.

Shirkada casriga ah ee SOMCABLE iyo mulkiilaha shirkadaasi ayaan la ilaawi karin doorkii tilmaanaa ee ay ka qaateen gurmadkii iyo taakulayntii abaarihii xooga lahaa ee ku dhuftay dadka iyo xoolaha dalka Somaliland oo la odhan karo waxay ahaayeen shirkadihii dhifta ahaa hore uga soo jawaabay baaqii madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo gudidda abaaraha ee heer qaran, iyo sidoo kale doorka ay ka qaateen tabarucaadka lagu darsanayo dhamaan wadooyinka ay shicibku dhisanayaan ee gobolada iyo degmooyinka dalka, doorarkaasi kala duduwan ee ay horumarka dalka kasoo ciyaartay shirkadu oo aanan ku amaanayn ee waajib saarnaa oo ay ka jawaabeen ahayd, ajar iyo xasanaad na ay kaga heli doonaan Allihii waynaa ee abuurtay ayaan la dafiri karin.

Ganacsatada Somaliland, maadaama ay ka mid yihiin muwaadiniinta dalka, waxay xaq dastuuriya u leeyihiin in ay wax doortaan iyagana la doorto, urur siyaasadeed furtaan si ay ugu tartamaan inay xisbi noqdaan ama ururada siyaasada ee u gudbay xisbi ay ku biiraan, sidaa awgeed danbi maaha in muwaadin ganacsade ahi taageero xisbi ka mida xisbiyada Somaliland.

Aflagaadooyinka iyo ceebaha aan xaqa loogu lahayn mulkiilaha shirkada Somcable waxay dhaawacayaan wada-jirkii iyo wada-noolaashihii shacabka Somaliland, taasi oo aan kusoo gunaanadi lahaa in ay dhaawac bulshada dhexdeeda ah keenayso afkaarta iyo waxyaabaha lagu kala duwan yahay oo laga wada shaqeeyo danaha guud ee shacab iyo ganacsato ba mideeya.

Sidaa soo kale waxaan ku talinayaa in la ixtiraamo dhamaan ganacsatada dalkee na Somaliland oo ah muwaadiniin doorkii ay ku lahaayeen haqab-tirka baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha shacabkeena, kuwaasi oo aan odhan lahaa ha loo aqoonsado oo hana lagu ixtiraamo kaalinta muhiimka ah ee ay ku leeyihiin barwaaqaynta Somaliland. Sidaa darteen, guntii iyo gababaddii waxaan leeyahay, halka aynu ugu abaal gudayno cayda iyo cambaaraynta aan xaqa loogu lahayn, waa inaynu ugu abaal celinaa mulkiilaha shirkada isgaadhsiinta casriga ah ee SOMCABLE oo u qalmaa in la gudoonsiiyo shahaadada ama billadda horumarinta maalgashiga dalka Somaliland tobankii sanno ee u danbeeyey.