Professor Samatar Oo Kulan Lagu Faaqidayey Barnaamijka Iyo Hiraalka KULMIYE U Qabtay Hoggaanka Garabka Dhallinyarada Xisbiga

Hargeisa(GNN):–professor Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa hoggaanka garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE u daahfuray kulan lagu lafo-gurayey sidii ay dhallinyaradu door laxaad leh uga qaadan lahayd fahamka iyo faafinta Barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE, isla markaana lagu lafo-gurayey sidii Barnaamijkaasi isaga oo bisil uu u gaadhi lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada.
Kulanka oo maanta lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa udub-dhexaad ka ahaa Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo isagu guddoomiye u ah guddida gacanta ku haysa ee soo diyaarisay barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE oo dhawaan la dhammaystiray, waxana ay xubnaha hoggaanka garabka dhallinyarada si weyn isula lafo-gureen sidii ay doorkooda u qaadan lahaayeen faafinta iyo fahanka Barnaamijka xisbiga iyo sidii ay qaybaha kala duwan ee bulshada usii gaadhsiin lahaayeen, maadaama ay da’yartu xidhiidh dhaw la leeyihiin qaybaha hoose ee bulshada.
15873504_353275818369477_2857388031940323693_n

15894403_353275585036167_5348671810581382257_n

Professor Samatar, ayaa isagu dood dheer dhallinyarada kala yeeshay sidii Barnaamijka uu xisbigu ku geli doono doorashooyinka madaxtinimada ee soo socdaa u noqon lahaa mid bulshada dhexdeeda ku faafa oo la fahmo, waxana ay da’yartii kulankan ka qayb-gashay su’aalo badan oo ku saabsan xaaladda dalka iyo caqabadaha taaganba weydiiyeen Professor-ka oo jawaabo hufan oo ay ku qanceen ugu hal celiyey.
Kulankan oo hal maalin ahaa, ayaa gunaanadkiisii waxa hadallo kooban ka jeediyey xubno ay kamid ahaayeen Prof. Samatar, guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo welba guddoomiyaha garabka dhallinyarada xisbiga KULMIYE Md..Cabdi-najax Siyaad Aw Cabdi, waxana ay tilmaameen in doodaha iyo tababarrada noocan oo kale ahi fure u noqon karaan inay da’yarta garbaha u ah xisbigu faham sare ka haystaan Barnaamijka wax-qabad ee xisbiga, isla markaana bulshada qaybaheeda kala duwan si fudud ugu sii gudbin karaan.
Guddoomiyaha garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdi-najax Siyaad Aw Cabdi oo ugu horrayn halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa Professor-ka hawshan waday uga mahad-naqay sida xilkas-nimada leh ee uu dhallinyarada ugu huray kor uqaadista fahamkooda iyo kobcinta maankooda, waxana isaga oo arriamahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta waxanu wax badan ka faa’iidaysanay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo xidigaha qarankanu ku faano kamid ah, ujeeddada koowaad ee aanu isula nimina waxa kamid ahaa hawlaha xisbiga iyo sidii loo horumarin lahaa wakhtigan xaadirka ah iyo mustaqbalkaba, waxa kale oo aanu isla eegnay wixii muddadii uu xisbigu talada hayey u qabsoomay iyo sidii loo horumarin lahaa, wixii ka qabyoobay iyo sidii loo sixi lahaa, wax badan oo xisbi ahaan dan noo ahna waanu ka faa’iidaysanay.”
Guddoomiye-kux-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed , ayaa isaguna hadallo uu dhallinyarada kula dardaarmayo, isla markaana Professor Samatar ugu mahad-naqayo madasha ka jeediyey, waxana uu yidhi, “professorka waan uga mahad naqayaa dedaalka uu ku jiro ee uu kor ugu qaadayo aqoonta iyo fahamka dhallinyarada, bani’aadamkuna sidiisaba waxa uu mar walba u baahan yahay inuu wax korodhsado, siyaabaha wanaagsan ee da’yartiinan oo kale u baahan tihiin inaad wax ka barataan oo la sheekaysataan oo wax weydiisataan dadka Axmed Ismaaciil Samatar oo kale waa muhiim.”
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa isaguna farta ku fiiqay in doodda ay ka yeesheen arrimaha xisbiga horumarkiisa ku saabsani wax weyn ka tari doonaan sidii sees adag loogu dhigi lahaa istaraatiijiyad uu xisbigu talada dalka mar labaad ugu soo laabto, waxana hadalladiisii kamid ahaa,“Sharaf weyn bay I tahay inaan dhallinyaradii xisbiga KULMIYE labeentoodii inaanu halkan ku kulano oo aanu isweydaarsanno su’aalo iyo jawaabo, guntoodu ahayd barnaamijka uu xisbigu ku geli doono doorashooyinka soo socda, hadhowna noqon doona halbeeg laga qiyaas qaato marka dawlad la dhisayo haddii guushu timaaddo, barnaamijkaana in badan baanu ka shaqaynay, imikana wuu qoran yahay oo waa diyaar, dhallinyaradii aan halkan kula kulmayna dad fahmad badan oo diyaar ah oo su’aalo badan I weydiiyey ayey ahaayeen, waanan ku faraxsanahay inaanu danta xisbiga iyo danta Somaliland-ba ka wada hadalno iyo weliba sida loo dhalaalinayo hawlaha wanaagsan ee xisbigu soo qabtay, taasina ay noqoto doodda laga duulayo ee ah in mar labaad xisbiga la aamino.”