Shacabka Ku Dhaqan Somaliland Oo Subaxnimadii Hore Ee Saaka Safaf Dhaadheer U Galay Inay Wixii Lacago Kagaga Jiray Kala Baxaa Shirkada Telesom Adeega Zaadka.

Hargeisa(GNN):- Kadib Markii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Uu Digreeto Madaxweyne Ku soosaaray Qodobo lagula Dagaalamayo Sixirbararka Iyo Qiimo Dhaca Ku Yimid Lacagta Somaliland Ee Shilinka oo ay Qayb Laxaad Leh Ka Ahayd Shirkada Telesom oo La Wareegtay Inay Maamusho Dhaqaalaha Dalka Kuna Maamusho Lacagta Qalaad ee Dollarka, Ayaa Shacabka Kala duwan oo Ku Diirsaday Go’aankaa Ay Qaadatay Xukuumada Somaliland Safaf Dhaadheer ugu jira Sidii Ay ugala Bixilahaayeen Wixii Lacago Kagaga jirtay Adeega Zaadka oo Ay Xukuumadu Sheegtay Inay kala Noqotay Ruqsadii Ganacsi ee uu Ku Shaqaynayey Adeegani,DSC_1288

 

Waxaanad Xarumaha ugu Waaweyn Ee Shirkada Telesom Subaxnimadii Hore   Saaka isa soo tubay Dadweynaha Kala Duwan oo isugu jira  Ganacsatada iyo Shacabka kale Ee Dhaqaalaha kala Duwani ka Yaalay,

DSC_1287

Xarunta ugu Weyn Ee Caasimada Hargeisa Ayaad arkaysay Maanta Buuqa Iyo Sawaxka hadheeyey Ee Ah Bulshada Kala Baxaysa lacagta kagaga Jirta Adeega Zaadka,  Taas Oo Qaadatay in ilaa Salaadii Duhur Ay Shacabku safaf ugu jireen kala bixida lacagta kaga jirtay adeega saadka, Taas Oo Sababtay In Galin Hore iyo galin danbeba Ay Bulshadu Soo Buux Dhaafiso.

Shacabka Somaliland oo Ku Diirsaday Go’aanada Xukuumadu kasoo Saartay Kuna Joojisay Inuu sii Shaqeeyo Adeegani, una Dhago Nugul Fulinta Awaamiirta Dawladooda, Ayaa Si baaxad Leh isu Barbartaagay in La Tayeeyo Qiimaynta Iyo Adeegsiga Lacagta Shilinka Somaliland.

Bangiga-1

Shirkada Telesom Oo Kadib Markii uu Soo Baxay Go’aankani Masuul Kamid ah Oo La Hadlay idaacada BBcda Ayaa Sheegay inaanay Suurto Gal Ahay in La Joojiyo Adeega Zaadka, sidaa shirkada telesom ku shaqayneyso, Balse Gudidii loo Xilsaaray oo Fulinaysa Dhaqangalinta Amarkii madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed maxamuud Siilaanyo Ayaa Xabsiga u Taxaabay Madaxii iibka Iyo Suuqgaynta Shirkada Telesom Oo isagoo ku hadlaya Afka Shirkada Telesom Sheegay inay kasoo Horjeedaan Amarkaasi madaxweynaha.

Dhinaca Kale Baanka Dhexe somaliland Ayaa Suuqyada hargeisa Kusoo Daayey Lacag Dollar iyo Shilinka Somaliland Oo Lagula Dagaalamayo Sixir Bararka iyo Sidii La Isku Leekaysiin Lahaa Sarifka Labada lacagayow.

WARKA-SARRIFLEYAASHA-2

Dhinaca Kale Qaar Kamida Xarumaha Shirkada Telesom Ayaa Maanta iyo Shalayba Albaabada Ay u Laabtay kadib markii Ay Soo baxeen Amaradan Culusi.

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network.