Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Jidka Isku Xidha Hargeysa Iyo Berbera Iyo Khasaaraha  Uu Sababay

Gaadhigan ayaa ku dhacay duleedka magaalada Berbera gaar ahaana dhinaca galbeed,waxaana sida naloo sheegay gaadhigan uu ka yimi dhankaa iyo magaalada Garoowe.

Gaadhigan dhacay ahaa gawaadhida loo yaqaano NOAH oo kamida gaadiidka iskaga kala goosha gobolada dalka iyo waliba magaalada Garoowe.

Waxaana uu shilkan baabuur ee dhacay uu sababay dhimashada Laba Ruux iyo dhaawac dad kale.

Maydka iyo dhaawaca dadkan ayaa la gaadhsiiyay Cusbitaalka Magaalada Berbera halkaas oo la sheegay in xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo dadkii dhaawacu soo gaadhay.

Gabagabadiina mudooyinkii u  danbeeyey ayaa waxa isa soo tarayay shilalka baabuurta kuwaas oo sababayay khasaare naf iyo maalba leh,waxaana ciidamada booliska Somaliland ay jidadka waa wayn ee isku xidha gobolada dalka ay ka bilaabeen hawlgalo ay ku adkaynayaan amaanka wadooyinka iyaga oo darawalada baabuurtana waydiinaya sharciga ay ku wadaan baabuurka.