Shil Daadhi Oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Duleedka Magaalada Berbera Iyo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh Oo Ka Dashay

Waxaana gaadhigan shilka galay uu ahaa gawaadhida loo yaqaano SURF,taas oo sida naloo sheegay wadahii uu gaadhigu kala baxday wadada.

Shilkan baabuur ayaa waxa uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,waxaana shilkan ku dhintay Caaqil Cabdi Xaaji DIiriye Gaadaale halka ay laba qof oo kale oo la socday gaadhigana uu dhaawac soo gaadhay.

Maydka marxuunkan iyo dhaawaca labadan qof ee kale ayaa waxa naloo sheegay in loo qaaday cusbitaalka magaalada Berbera,halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo dadkan dhaawacu soo gaadhay.

Gabagabadiina mudooyinkii u danbeeyey waxa isa soo tarayay shilalka baabuur kuwaas oo sababa khasaare naf iyo maalba leh.