Shirkada Telesom oo Awood Shuruucda Ganacsiga Ka Baxsan Bulshada Kagaga Xidhay Internetkeed Qaar Kamida Shabakadaha ugu waaweyn, Hay’ada Xuquuqal Insaanka Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay.

Hargeisa(GNN):- Shirkada Telesom Oo kamida Shirkadaha Ganacsi ee Dhinaca Isgaadhsiinta islamarkaana Ah Shirkad aan Habayaraatee U Daneyn Bulshada Ay Ku Dul nooshahay ee Ay ka Ganacsato Ayaa Bilihii u Danbeeyey Weerar  Ku haysay In Ay ka Xidho Shacabka Shabakado kala Duwan oo Ka Faafiyey Warar Iyo Warbixino Taabanaya Xaqiiqada iyo Sida Ay Shacabka Dhiiga Uga Miiratay Shirkadani, Waxaana Shabakadaha Ugu Danbeeyey ee Ay ka Xidhay Khadka Diciifka ee Internetka Ay bixiso ka Mid Ahayd Shabakada Caalamiga Ah ee Gabiley News Network, Taas Oo Ay kadib Markii Ay u Adkaysn weyday Wararka iyo Barnaamijyada Ka imanaya Bulshada ee Ka Dhanka Ah Shirkada Telesom Ay ka Xidhay Internetkeeda Si Aan Shacabka Isticmaala Internetkeedu u helin Wararkaa iyo Barnaamijyadaasi, Walow aaney Taasi Wax Saameyn Ah Ku Yeelan Shabakadaha Kala Duwan ee Ay ka dhex arkiwayday Danteeda islamarkaana Baahiyey Wararka iyo barnaamijyada ka Dhanka Ah,ayaa Haddana waxa jira Qaar kamida Masuuliyiinta Shabakadahaasi ay Kula Kacday Falalkan Ka Baxsan Shuruucda Ganacsiga iyo Wax kala Iibsiga iyagoo Maalmihii u Danbeeyey ku Hawlanaa Sidii Ay Dacwad Ka Dhan ah Shirkada Telesom Nidaamkan Qayrul Sharciga ah iyo Awoodahan  Ay Shacabka Kagaga  Xidhay Shabkadihii ay Kala Socon Jireen wararka iyo barnaamijyada, Taas oo Ay Sheegeen in Sharciga iyo Shuruucda dalka Ay Ku Kala Bixidoonaan.

Hay’ada Xuquuqal Insaanka ee Xarunteedu Tahay Magaalada Hargeisa Ayaa Talaabadaasi Ku tilmaantay Mid Ka Baxsan Shuruucda Ganacsiga iyo Nidaamka Wax Kala Iibsiga, Waxaana xarunta Xuquuqal Insaanku Sheegtay in Falalka Noocaasi oo kale Ahi Ay yihiin Dhacdooyin iyo Xadgudubyo Ka Dhan Ah xuquuqda Dadka macmiilka ah islamarkaana isticmaala Adeegyadeeda,

 

Shacabka adeegsada Internetka Ay bixiso Shirkadani Ayaa Ku tilmaamay Ficilkan Mid Ay Shirkadu ku Xad Gudubtay Xuquuqdoodii iyo Wixii Ay kala Iiibsadeen islamarkaana Balan Ku Qaaday in haddii aan hay’adaha Sharcigu Talaabo Ka Qaadi U Wareegidoonaan Shirkadaha kale ee aan Takoorka iyo Kala Qoqobka Ku Sameyn Warbaahinta kala Duwan iyo Shabakadaha ay kala Socodaan Wararka iyo barnaamiyada kala duwan,

Si kastaba ha Ahaate Shirkada Telesom oo Ku xididaysatay Dhiig iyo Deecaanka Shacabka Kala Duwan ee ay Sida Kootada Ah ugu Haysato Xakamaha, ayaa haddana kula kacda falal aan loo dul qaadan karin oo ka dhan ah xuquuqda aadamaha, waxaana sanadadii u danbeeyey  ay Talaabooyinka Ay cabudhinta iyo Cadaadiska Ku Saartay Shacabka Ka Mid Ahaa, kadib Markii Aqoonyahano Si Cilmiyan Ah Uga Qoray Dhibaatada iyo Hoos u dhaca ay Shirkada telesom ku keento dhaqaalaha Dalka kadib markii ay dalka si jujuub ah uga hirgalisay adeega Zaadka oo  saameyn taban ku yeeshay shacabka, Waxa kale oo ay hatigaad iyo xadhig iyo jidh dilba u gaysatay shaqsiyaad sida boogta u taabtay dhibaatooyinka ay shacabka ku hayso….. La Soco Warbixino la Xidhiidha Dhibaatooyinka Ay Shirkadani Ku hayso  Shacabka.