WARARKA




SOMALILAND: Boqolka Doollar Oo Qarka U Saaran Hal Milyan Oo Shilin, Qiimaha Maceeshadda Oo La Socda, Baanka Dhexe & Xukuumadda Oo Daawanaya

Hargeysa, 15 Jeeniweri, 2017 (GNN) โ€“ Waxa Maalinba Maalinba ka dambaysay sare u sii kacaya Qiimaha Sarrifka Lacagta Qalaad ee Doollarka, kaasi oo saamayn weyn ku leh Qiimaha Maceeshadda.

Magaalooyinka Somaliland oo Bilihii u dambeeyay Boqolka Doollar lagu Sarrifayey inta u dhaxeysa 750 Kun oo Shilinka Somaliland ah iyo 780 kun, ayaa Toddobaadkii u dambeeyay Cirka isku sii shareeray, waxaana Shalay oo u dambeysay Boqolka Dollar lagugu beddelayey 810 kun oo Shilinka Somaliland ah, halka Boqolka Doollar lagu kala iibsanayey 835 kun oo Shilinka Somaliland.

Kor u kaca qiimaha Sarrifka Lacagta Dollarka oo illaa hadda aanay ka hadal Laamaha Dawladda Somaliland u qaabilsani, ayaa wuxuu si toos ah saamayn ugu leeyahay qiimaha maceeshadda Quutal-daruuriga ah, maaddaama oo Dadka Ganacsatada iibiya Raashinku ay iibka Raashinka ku qiimeeyaan Lacagta Doollarka, taasi oo ka dhigan โ€˜Haddii Qofku uu 75 kun oo Shilin ku iibsan jiray Haaf bariis ah inuu imika u baahan yahay Lacag intaasi ka badanโ€™ maaddaama oo Qiimaha Raashinku la socdo Sarrifka doollarka.

Kor u kaca Qiimaha Sarrifka Dollarka, ayaa ku soo beegmaya Xilli ay inta badan Somaliland ka jiraan Abaaro baahsan oo sababay inay dabar goโ€™aan Xoolihii Dadku ku noolaayeen, halka inta Gacmaha Dadka reer-guuraga ah ku soo hadhayna ay yihiin kuwo aad u Taag-daran oo aan iib-galeynin.

 

Dawladda Somaliland oo dhawaan ka hadashay Qiimo bararka Lacagta Doollarka iyo Maceeshadda Quutal-daruuriga, ayaa sheegtay โ€œSicir-bararka iyo Maceeshadda oo kolba kor u kacdaa waxay ka jirtay Guud ahaan Geeska Afrika.โ€ayuu yidhi, Wasiiru-dawladaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo Toddobaadkii hore u warramay Telefiishanka Star.

Laakiin, haddaan Xukuumadda Somaliland iyo Baanka dhexe ka hor-tagin Sicirka Bararka doollarka waxa suurto-gal ah in Boqolka Doollar gaadho Hal Milyan oo Shilinka Somaliland ah, taasi oo ka dhigan inay Qiimo beesho Shilinka Somaliland.