Tirada Tahriibayaal Badda Liibiya Lagu La’yahay Inta La Badbaadiyey, Meydad La Helay Iyo Dhalinyaro Somaliland Ka Haajirtay oo Ku Jirta

Dhalinyaro Somaliland Ka Haajirtay oo Ku Dhintay Doon Tahriibayaal kula degtay Badda Miditerenian-ka

Tirada Tahriibayaal Badda Liibiya Lagu La’yahay Inta La Badbaadiyey, Meydad La Helay   Iyo Dhalinyaro Somaliland Ka Haajirtay oo Ku Jirta

Liibiya(GNN):- Dhallinyaro reer Somaliland ah, ayaa ku jiray Tahriibayaal ku Naf waayay Doon toddobaadkan ku geddoontay Biyaha Miditerenian-ka ee u dhaxaysa waddamada Liibiya iyo Talyaaniga oo ka baxday Xeebaha Liibiya.

Doonnidan oo laga badbaadiyay dhawr Qof oo isugu jiray Itoobiyaan iyo Ereteriyaan, waxay sidday Dad gaadhaya 180 Ruux oo u badnaa Dhalinyaro ka haajirtay dalalka Bariga Afrika, waxaanay badankoodu noqdeen kuwo ku naf waayay Biyaha Badda, ka dib markii ay Doont Macmacl ahayd oo ay saarnaayeen Badda ku qarraqantay.

Haddaba, warar soo baxay oo laga helay dalka Liibiya ayaa sheegaya in doonidan ay saarnaayeen dhallinyaro reer Somaliland ah oo ka soo kala jeeday Hargeysa iyo Burco. Dhallinyaradan oo aan weli magacyadooda la xaqiijin, ayaa waxay ka mid ahayeen dhallinyaro ka hayaantay dalka oo u sii jeeday qaaradda Yurub.

Dadka ka  badbaaday doonidan oo kala ah 3 nin iyo haweenay ayaa u muuqday kuwo daalan oo dhibaataysan, waxayna ka sheekeeyeen Saxariirkii ay la soo kulmeen. Waxay tilmaameen inay dooni ka samaysan alwaax oo ay la socdeen in ka badan 180-qof oo ay ka raaceen  Xeebaha Libya.

Waxay sheegeen markii ay 5 saacadood Badda ku jireen inuu ciladoobay Matoorkii, isla markaana ay Doonidii bilowday inay quusto. Dadkii la socday Doonida waxay ku wada hoobteen Badda, waxaana ka badbaaday 4 qof oo ay Kooxaha Gurmadka ka soo badbaadiyeen meel 30 nautical miles u jirta Xeebaha Libya.

Xigasho Wargeyska Geeska Afrika

TIRADA-TAHRIIBAYAAL-BADDA-LIIBIYA-LAGU-LAYAHAY-INTA-LA-BADBAADIYEY-IYO-MEYDAD-LA-HELAY-2017