DAAWO “WADDANI Waxa Ku Jira Kuwii Xamar Ka Yimid, Kuwii KULMIYE Ka Cadhooday, Mus-dambeedkiisu Waa UDUB, Cirro Waa UCID, Markaa Maaha…”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Shacabka Somaliland ay Musharraxiinta Madaxweyne-nimo ee Xisbiyada ku kala dooranayaan Waxyaabaha ay Dadka iyo Dalka u soo qabteen ee Taariikhda ugu jira, laakiin aanay siyaasad iyo Dawladnimo ahayn in Xisbiyadu soo urursadaan taageerayaal lagu soo jiito Lacag.

 

Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu dhaliilay hababka lagu soo Xulo Musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee Dalka soo mara, waxaanu yidhi, “Marmar baan is-idhaahdaa Madaxweynayaasha iyo Madaxweyne ku-xigeennada Dad habboon lama keenin oo waxaan u maleynayaa inaan Bisinka loo Qabanin, markaa waxaan rejaynayaa inaanu bisinka u qabano oo aanu Talada ilaahay saarano (Soo xulashada Madaxweyne ku-xigeenka UCID).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey Sababta ay UCID iyo WADDANI iskugu bahaysan waayeen Xukuumadda, “Xisbiga WADDANI waxa ku jira dhowr iyo Toban Kooxood oo aanad kala garanayn, kuwii Xamar ka yimid baa ku jira, waxa ku jira kuwii intaas oo sannadood KULMIYE ku jiray ee ka cadhooday, ee aanu intaas oo sannadood ku Mucaaradka ahayn ee aanu Tv-yada iska caayeynay baa ku jira, ee marka ay ka soo baxaan (KULMIYE) ayay dahab noqonayaan?, kuwa Mus-dambeedka u ahi waa UDUB, Cabdiraxmaanna waa UCID, markaa wax aanu nidhaahno Xisbi maaha, waayo? Lacago ayaa reerahoodu soo ururinayaan oo Xafladaa la dhigayaa waxaasi maaha siyaasad.”

Guddoomiyaha UCID oo Shalay u warramay Telefiishanka Somali Cable, ayaa sidoo kale ka hadlay waxa Shacabka Somaliland ku kala dooranayaan Musharraxiinta Xisbiyada, “Waxa la kala dooranayaa Hoggaamiyeyaasha, Cabdiraxmaan Muxuu ka qabtay, Muuse Biixi muxuu qabtay, Faysal maxaa taariikhda ugu jira. Lakaiin Dumar baan Lacag siiyey oo Afka soo caseystay, oo bootar soo marsaday oo ii heesay, waxaasi Sharci iyo Dawladnimo maaha.”ayuu yidhi.