Wafti Balaadhan Oo Ka Socda Dalalka Deeq Bixiyayaasha Caalamka Oo Kusoo Waajahan Somaliland+Wakhtiga Ay Imanayaan Iyo Ujeedada Socdaalkoodu Daaran Yahay

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxaya dalalka qaadhaan-bixiyayaasha iyo dawlada Somaliland toona oo khuseeya ujeedada safarka diplomaasiyiinta ka socda wadamada caalamka balse ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska Jamhuuriya u xaqiijiyey in xubno iskugu jira safiiro iyo diplomaasiyiin kale ay kusoo waajahan yihiin caasimada Hargeysa ee dalka Somaliland.

Waftigan balaadhan ayaa qorshohadoodu yahay inay Somaliland joogaan muddo laba maalmood ah,waxaana la filayaa inay inta ay joogaan kulamo kala duwan la qaataan xukuumadda Somaliland gaar ahaan madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”  iyo madaxda saddexda xisbi qaran ee KULMIYE,UCID iyo WADDANI,sidoo kalena waxa la rajaynayaa inay iyagana kulan la qaataan qaar kamid ururada bulshada rayyidka ah ee Somaliland.

Waftigan ka socda dalalka qaadhaan-bixiyayaasha iyo madaxda Somaliland  ayaa sida qorshuhu yahay ka wada hadli doona arrimo kala duwan oo ay ugu muhiim yihiin doorashooyinka iyo abaaraha qalafsan ee ka taagan dalka ,iyaga oo soo bandhigi doona mawqifka la xidhiidha dib u dhaca ku yimi doorashada madaxtooyada oo u muddaysnayd inay qabsoonto 28 bisha March 2017-ka .