Waftigii Uu Hogaaminayey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Kulan La Qaatay Boqorka Sucuudiga.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay kulan wefti ka socda Xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayey ay la yeesheen boqorka dalka kuwait Sheekh Sabax Al-Ahmad Al-Jaber.16265425_1437455929598437_338271032139456110_n

Wasiirka weftigiisa oo ka koobnaa xubno wasiiro ah iyo xubno katirsan gudida abaaraha a Somaliland oo ayaa si heer sare ah loogu qaabilay Qasriga Madaxtooyada Kuwait.16299131_1437455769598453_5844925136663428439_n

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi ayaa hadal kooban oo uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sharaxay kulankaasi, isaga oo xusay inay boqorka kuwait u gudbiyeen dhambaal ay uga sideen Madaxweyne Siilaanyo. waxaanu yidhi Wasiirku “ Shalay waxa wefti balaadhan oo aan horkacayo ay la kulmeen boqorka dalka kuwait Sheekh Sabax Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabax, kulankaas oo wakhti dheer qaatay waxaanu ka wadahalnay duruufaha iyo abaaraha maanta ka jira dalka Somaliland.16388268_1437455712931792_5551818126354745686_n

Mudane Xaashi ayaa xusay in boqor Sabaax ay ka codsadeen kaalmo degdeg ah boqorku uu garwaaqsay codsigaasi waxaanu yidhi “ Waxaanu boqorka u gudbinay dhambaal uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo u soo qoray oo arrimahaas ka hadlaya, waxaanu ka codsanay kaalmo degdeg ah inuu boqor u fudiyo shacbiga Somaliland, iyadoo dalka Kuwait uu yahay wadan aynu xidhiidh wanaagsan leenahay, horena mashaariic faro badan wadankeena uga fuliyey.”16407003_1437455776265119_2405575568012117477_n

Wasiirka ayaa sidoo kalena yidhi “ Boqorku arintaas wuu soo dhaweeyey, waanu garwaaqsaday, hadana waxaanu wadnaa kulamo kale oo farro badan, gadaal ayaanu ka faahfaahin doonaa dawladda Kuwait doorka iyo kaalinta ay ka qaadan doonto gurmadka abaaraha.”
Weftiga Wasiirka Madaxtooyada, ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahim Qabo, Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Xagla-toosiye, Madaxa Ha’yada diiwaanka Sekada Iyo Mudane Sakariye oo ka tirsan gudida Qaranka ee taakulada abaaraha