War Deg Deg Ah:-Madaxwayne Siilaanyo Oo Saaka Si Kadis Ah Uga Soo Baxay Madaxtooyada+Magacyada Goobo Uu Kormeer Kadis Ah Ku Tagey Iyo Dareenada Bulshada Caasimada Hargeysa

Waxaana madaxwaynaha oo sida naloo sheegay aan wax ilaalo askar ah wadan uu saaka kasoo baxay madaxtooyada isaga oo fuushan mid kamid ah gawaadhida  shicibka ah,waxaana uu madaxwaynuhu uu kormeer kadis ah ku tagay laba wasaaradood oo ka agdhaw madaxtooyada Somaliland.

Labadan wasaaradood ee uu sida kadiska ah ku tagay madaxwaynuhu ayaa ah wasaaradda waxbarashada Somaliland iyo wasaaradda Beeraha.

Sidoo kalena madaxwaynaha Somaliland ayaa isaga oo aan wax ilaalo ah wadan oo kaligii ah  kala shaaheeye bulshada caasimada hargeysa goob lagu shaaheeyo oo ka ag dhaw wasaaradda beeraha Somaliland.

Bulshadii saaka sida kadiska ah ula kulantay madaxwayne Siilaanyo ayaa aad u hadal haya socdaalkan kadiska ah ee uu saaka madaxwayne Siilaanyo kaga soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Ujeedada madaxwayne Siilaanyo saaka sida kadiska ah uga soo baxay madaxtooyada isaga oo kaligii ah Ayaan ilaa hadda la garanayn.