War Deg Dega:-Gudoomiyihii Sariflayaasha Somaliland Ee Xukumadu Xidhay Oo Saldhiga Dhexe Ku Dhex Geeriyoodey+Sababta.

Gudoomiyihii sariflayaasha Somaliland Cabdilaahi Cali Barre oo maalintii shalay ahayd ay Xukumada Somaliland Saldhiga u taxaabtey ayaa ku dhex geeriyoodey saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa Saaka Subixii hore,Wararka Hangoolnews Helaayo ayaa tibaaxaya in uu marxuumku Geeriyoodey Xili uu ku dhex qureecanaayay Qolka uu kaga xidhan yahay Saldhiga Dhexe ee Hargeysa.

Sida warar rasmi ah oo soo Gaadhaya Hangoolnews ay noo xaqiijiyeen Geerida Gudoomiyaha sariflayaasha Somaliland oo ahayd mid kadis ah ayaa waxa lagu sababeynayaa in Marxuumku la noolaa xanuunka Macaanka taasi ay sababtey markii la xidhay in uu Xanuunkii uu la noolaa ee Macaanku uu ku kaco.

Xadhiga Marxuumkan Geeriyoodey iyo xubno kale oo sariflayaal ahba ayaa ka dambeyey ka dib markii ay ka hor yimaadeen go,aamo ay xukumada Somaliland ka soo saartey Qiimaha lagu kala badasho doolarka oo halkii ugu saraysay gaadhay taasi oo ugu dambayn sababtay in ay shacabka Somaliland arintaasi ka dhiidhiyaan.

Xadhiga sariflayaasha ayaana sababtu ahayd in ay u hogaansamaan awaamiirta dawlada ee dhinaca Sixirka loo jaray Doolarka.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidamada Booliska Somaliland oo aanu isku daynay in aanu arintani wax ka waydiino ayaa shegay in aanu gabi ahaanba waxba ka ogayn. Ciidamada Booliska Somaliland wali kamay hadal Geerida ku timi Marxuumka ay gacanta ku hayeen iyo waxa sababey.