Wargeyska The Star Ee Dalka Kenya Kasoo Baxa Oo Raali Gelin Ka Bixiyay Warbixin Uu Ka Qoray Weftigii Xisbiga WADDANI 

Warbixin wargeysku daabacay maanta waxa uu ku sheegay in warbixintaa uu daabacay 23 December ee nuxurkeedu ahaa in kulan dhexmaray Musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo Cumar Cabdirashiid ahayd mid la been abuuray, islamarkaana nidaam xayaysiis loogu soo gudbiyay wargeyska waxaana uu wargeysku yidhi

” Star wuxuu daabacay 23 December in guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland kulan kula yeeshay Hotelka Serena ra’isal wasaaraha Somalia, haseyeeshee hadda waxaa caddaatay in warbixintaasi ahayd mid ay been abuureen cid siyaasadda kula hirdamaysa xisbiga Waddani. Sawirka muujinaya Cabdiraxmaan Cirro oo la sawiran Cumar Cabdirashiid waa mid la footo-shoob-gareeyay oo ka kooban saddex sawir oo kala duwan oo la isku geegeeyay,” ayuu wargeysku ku sheegay warbixintiisa raali gelinta ah.

Sidoo kalena waxay soo bandhigeen saddexda sawir ee la isku kabkabay ee laga dhigay inay kulmeen Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Tifaftiraha wargeyska Star ayaa sheegay in warbixinta ay daabaceen ay usoo gudbiyeen dad aanay aqoonsanayn,sidoo kalena waxa uu sheegay in ay talaabo ka qaadeen cidii daabacday warbixintaas “Waxaanu leenahay siyaasado sharci oo adag, kuwaasi oo faallada ka soocaya xayaysiiska. Habkani waxaa gacan bidixeeyay cid dibadda naga ah oo aan la aqoonsan laakiin, hadda tallaabo ayaa laga qaaday hannaanka hubinta si aanay dhacdadan oo kale u soo noqon,” ayuu yidhi tifafiraha Star Charles Kerich.

Xisbiga Waddani ayaa hore u sheegay in xisbiga Kulmiye lacag ku bixiyay wararka noocaas ah laakiin, wargeyska oo soo xigtay qoraal guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro soo xigtay ayaa muujiyay in arrintaasi ahayd war si xayaysiis ah lacag loogu bixiyay.

 

HALKAN HOOS GUJJI SII AAD U AKHRIDO WARKAN RAALIGALINTA AH OO FAAHFAAHSAN

http://www.the-star.co.ke/news/2017/01/10/somaliland-photo-fabricated-by-rivals-says-speaker_c1484108