Wariye Caan Ka Ah Geyiga Somalida Oo Wareysi Dhinacyo Badan Taabanaya La Yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Iyo Su,aalaha Uu Weydiiyey

Jig-jiga(GNN):-Saxafiga caanka ka ah dhulka ay soomalidu ku nooshahey ee

Cabdisalaan Ibraahim Hereri ayaa waxaa uu magaalada Jigjiga ee dawlad deeganka dalka Ethiopia wareysi kula yeeshay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Image may contain: 2 people

 

Ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa uu magaalada Jigjiga u joogay laba maalmood xuska maalinta xoolo dhaqatada ee dalka Itoobiya.

Waraysiga ayaa Cabdisalaan Hereri waxyaabaha uu ku waydiiyay ra’iisal wasaaraha Ethiopia waxaa Ka mid ah abaarahaka jira dalka Ethiopia isaga oo intii uu ku sugnaa qaybta ismaamulka Somalida soo booqday magaalooyinka Qabri Dahare iyo Gaashaamo.

Xaalada wakhtigan ee deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, sida uu u arko madaxwaynaha cusub ee loo doortay Maraykanka ee Donald Trump iyo saameynta ay ku yeelan karto Afrika, gaar ahaana hawlaha nabad ilaalinta ee Itoobiya qeybta ka tahay sida Soomaaliya oo kale.

Ra’iisal wasaarahu waxaa kale oo uu waraysiga kaga hadlay khilaafka webiga Niilka ee u dhexeeya wadankooda iyo dalka Masar.

Hailemariam Desalegn ugu danbeyn waxaa kale oo uu saxafi Cabdisalaan Hereri ka waraystay arimaha Somalia iyo Somaliland, wareysigaasi waxaa uu ka bixi doonaa Universal TV, Jimcaha 3 February,9 fiidnimo ee Afrikada bari