Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Faray Shirkadaha Isgaadhsiinta Inay U Hogaansamaan Awaamiirta Dawlada

 

Hargeysa(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay wareegtadii Xukuumadda ee ku saabsanaa sicir bararka, ee sida gaarka ah u khuseeynayey Shirkaddaha Telesom iyo Somtel ee ahaa in la xadido isticmaalka lacagta ee Zaadka Iyo Edahabka, waxaanu sheegay inuu shirkadaas ka rajaynayo inay dhaqan-galiyaan una hogaansamaan sharcigan  iyo wareegtadan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dagaal laba beelood ku dhexmaray Laascanood iyo sidoo kale dagaal ka dhacay Deegaanka Higlo ee hoos yimaada Buhoodle, waxaanu sheegay in Xukuumaddu waajibkeedii ka gudatay, xaaladuna ay
 
imika aad u degan tahay, waxaanu yidhi ugu horeyn isagoo ka hadlaya sicir bararka “Arinta sicir bararka ee dalka ka dhacay waa la wada og yahay, in la xakameeyo ayaana loo baahan yahay, wareegtada ay Dawladdu soo saartayna waxa looga dan  leeyahay si loo xakameeyo sicir bararka”.

Wasiirka Arrimaha Guddaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyay “Shirkadaha Telesom iyo Somtel waa Shirkado waaweyn, waxaana rajaynaynaa inay nala qaataan wareegtada la soo saaray si sicir bararku meesha uga baxo, laakiin ciddii u hogaansami weydaa wareegtadaas wax baa meel uga yaala, dawlad baynu nahay, oo nidaamka sharci ee inoo yaala ayaa la marinayaa”.

Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu ka hadlaayey dagaalada kala duwan ee ka dhacay Laascanood iyo Deegaanka Higlo ee Buuhoodle ayaa yidhi “Marka hore ALLE ha u naxariisto cidii dhimatay, cida dhaawacana caafimaad ha siiyo, balse xaaladu imika aad bay u degan tahay, wax dhib ahina ma jirto, Xukuumad ahaana waajibkaygii baanu ka gudanay, Ciidankii Qaranku wuu tagay, oo Ciidankii baa kala dhex galay, waxaan leeyahay oo aan farayaa Beelaha dagaalamaya, dagaalka joojiya, oo hadad wax kala tabanaysaan sharciga ku kala baxa, oo sharciga u hogaansama, inkasta oo wixii uu ILLAAHAY qoray aanay cidina baajinayna, haddana dhiiga dadka Islaamka in bilaa sabab lagu daadiyo ILLAAHAY raali kama aha, waxaana leeyahay nabada ilaaliya, oo dalka abaar baa ka jirta, ee colaada joojiya, oo sharciga u hogaansama”.

Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu ka hadlaayey nabadgalyada ayaa yidhi “Dalka nabad baa ka jirta, cidna ka yeeli mayno fad-qalalo iyo waxaan loo baahnayn inay abuuraan,cid kasta oo ka hor timaada nabada iyo xasiloodina dalka waa la qabanayaa, waa la ciqaabaya, gacan bir ahna waanu ku qabanaynaa,  waana inay dadku ciidamadooda kala duwan  iyo dawladdooda la shaqeeyaan, anaguna ka dawlad ahaan mar walba waanu garab taagan nahay shacabkayga”.