Wasiirka Gaashaandhigga Oo Ka Hadlay Ahmiyadda Ciidanka Qaranku Ugu Fadhiyo Somaliland

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Gaadhaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami,ayaa shalay tababar u soo xidhay dufcaddii afraad ee ka qalin jabisa kuliyadda saraakiisha ciidanka qaranka ee Cabdilaahi Askar oo ka mid ah akaadamiyadda Ciidanka Qaranka ee Dararweyne.

Munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sarreeye Guuto Cabdi Xirsi Ducaale,abbaanduulaha ciidanka qaranka iyo taliye ku-xigeenka ciidanka ilaalada xeebaha,hoggaano saraakiil iyo taliyeyaal ka tirsan ciidanka qaranka iyo ciidanka illaalada Xeebaha.

Saraakiisha tababarka dhammaysatay oo isugu jiray ciidanka qaranka iyo ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Somaliland ayaa munaasibaddooda qalin jabinta ah waxaa ka hadlay wasiirka difaaca oo ku ammaanay ciidanka qaranka Somaliland kaalinta uu kaga jiro jiritaanka dawladnimo ee Somaliland iyo siday ay u buuxiyeen kaalintoodii dheeraadna ay ugu dareen waxaanu ku bogaadiyay sida ay ugu kala guntadeen una kala badbaadiyeen marar badan beelo reer Somaliland ah oo walaalo ah oo dirir colaadeed ay dhex martay.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo isna munaasibadda qalinjabinta saraakiisha ka hadlay ayaa ka xog waramay guud ahaan sidii ay ugu dhalatay in la sameeyo akaadamiyadda Ciidanka qaranka Dararweyne oo isugu jirta Kuliyadda Saraakiisha Cabdilaahi Askar dugsiga saraakiil xigeenadda ee Haragwaafi iyo dugsiga tababarka dhibbooga oo dhammaantood ciidan kala duwani uu uga soo baxeen ciidanka qaranka Somaliland taasoo uu Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil taani bilaabay hirgalinteeda.

Waxaa kale oo uu ballan qaaday Taliyaha Ciidanka qaranku in lagu kordhin doono dugsiyo kale oo aqooneed oo ay saraakiishu ku bartaan dhanka Tiknoolajiyadda casriga ah.

Waxaa isna mnunaasibadda ka hadlay taliyaha ciidanka Ilaaladda Xeebaha Sarreeye Guuto Cabdi Xirsi oo isna dhankiisa dardaaran u jeediyay saraakiisha tababarka dhammaysatay kuna dhiiri galiyay in ay aqoonta iyo waxbarasahda ay sii kordhistaan.

Waxa iyaguna halkaa ka hadklay Madaxa Hoggaanka tababarka ciidanka qaranka sarreeye guuto Axmed Cali iyo Taliyaha kulliyadda saraakiisha Cabdilaahi Askar Gaashaanle sare Xasan Cabdi Yuusuf.

Oo xog warran buuxa madaxda ka siiyay sraakiisha tababarka loo xidhay ka kala socotay ciidanka qaranka iyo ilaalada xeebaha aqoonta ciidan ee ay barteen iyo sida ay u yihiin saraakiil xambaari karta waajibaadlii loo tababaray una gudbin kara ciidankii ay ka tirsanaayeen oo ay ku noqonayaan dufcaddan oo loogu magac daray Tawfiiq ayaa abaalmarino hadyado ah la guddoonsiiyay saraakiishii ugu sarraysay dhanka tababarka.

Qudbadaha madaxda ka horna waxaa munaasibadda lagu soo bandhigay bandhig faneed ay soo diyaariyeen kooxda Ciidanka qaranka ee Gaashaan oo aad loo jeclaystay daawashadeeda iyo waajibaadka farriimaha ciidan ee ay gudbinaysay oo markii dambe asuuliyiintu intii ay qudbadaha wadeen ay kuba soo halqabsanayeen.