Xiisad Colaadeed Oo Dib Uga Soo Cusboonaatay Deegaanada Koonfurta Gobolka Sool

Wararkan ayaa sheegay in xiisadan colaadeed ay ka dhalatay kadib markii xalay ay dabley hubaysan gudaha magaalada Laascaanood ay ugu dhex toogteen nin ganacsade ah oo meherad ganacsi ku haysta magaalada Laascaanood,waxaana dilka ninkaasi  ganacsadaha ah loo gaystay ka gadooday rag ay isku hayb yihiin ninkan  la dilay.iyaga oo isa soo aruursaday intaasi kadib na rasaas ooda kaga qaaday meherado ganacsi oo ku yaalay magaalada Laascaanood.Xalay ilaa xilli danbe ayaa lagu soo waramayaa in dhawaaqa rasaasta laga maqlayey gudaha magaalada Laascaanood iyo duleedka magaaladaba,waxaana arrinkan markiiba kala dhex galay ciidamada booliska iyo ciidamada qaranka Somaliland ee ku dhex sugan magaalada Laascaanood,kuwaas oo naloo sheegay inay inay la wareegeen gacan ku haynta amaanka,sidoo kalena wararka ayaa waxay intaa noogu darayaan in ciidamo tiro badan loo diray laguna daadiyey deegaanada ay wada dagaan labadan Beelood.

ilaa hadda lama garanayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay rasaastan la is waydaarsaday,balse xogaha ayaa noo sheegay in 2 qof oo middi gabadh tahay ay ku dhacday rasaastu isla markaana uu soo gaadhay dhaawac.

Dhanka kale deegaanada koonfurta gobolka Sool oo ah deegaanada ay ood wadaagta ku yihiin labada beelood ee colaadu mar  kale ka dhex istaadhantay ayaa waxa laga soo sheegayaa in laga dareemayo sansaan colaadeed iyaga oo halkaasina ay ka socoto hub iyo ciidan urursi labada dhinac ah,waxaana labadan beelood ee dirirayaa ay kala yihiin beelaha baharsame iyo Qayaad.

Gabagabadiina labadan beelood ayaa hore waxa u dhex martay shaqaaqo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh kuwaas oo dhawr jeer ay soo noqnoqotay dagaalkoodu,balse waxa dhawaan labada dhinacba laga dhaariyey odayaal iyo madax-dhaqameed loo xil saaray daminta colaadan sokeeye ee ka dhex tagaan labadan beelood ee walalaha ah ee wada daga deegaanada koonfurta gobolka Sool.