Maamulka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex oo soo Xidhay Tartan Kubadda Cagta ah oo loo Qabtay 16 kooxood

Hargeysa (GNN)- Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa soo gunnaanaday tartan kubadda Cagta ah oo loo qabtay kooxo ka kala socday shanta degmo ee caasimadda Hargeysa oo lagu qabtay garoonka Xawaadle.

Tartankan oo ay ka qaybgaleen 16 kooxood oo kuwa heerka labaad eek a dhisan degmooyinka magaalada Hargeysa ah, waxa maalgaliyey xarunta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex oo bixiyey abaalmarinnihiisa lagu kala guulaystay oo ka koobnaa laba koob iyo billado la siiyey ciyaartoyga labada kooxood ee isugu soo hadhay.

Ugu dambayntii, waxa tartankan oo la soo xidhay shalay isugu soo hadhay laba kooxood oo ku kala ciyaarayey shirkadda Barre Construction iyo dugsiyada Noradiin Schools, kuwaas oo ciyaar adag oo dhexmartay ay guushu ku raacay kooxda Barre Construction oo hanatay koobka.

Xidhitaankii tartanka waxa ka qaybgalay Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex Mr. Cabdiraxmaan Hadhiye, xildhibaanno ka socday Golaha Deegaanka Hargeysa oo uu ka mid yahay Md. Cabdi Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mr. Axmed Abokor iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyey tartankan iyo kooxaha ka qaybgalay, iyagoo si gaar ah u hambalyeeyey kooxda guushu raacday.