“Reer Siilaanyo Yey Maanta Ku Celin Somaliland Dhibaatadii Ay Ka Soo Baxday, Dadweynahana Waxaanu Leenahay Maalintaas Kaalaya Oo Masiirkiina Ka Taliya”….Eng Maxamed Xaashi Cilmi

Hargeysa(GNN):-Siyaasiga caanka ah ee Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa shirka 12-ka bisha uu Madaxweyne Siilaanyo dalbaday inay isugu yimaadaan labada gole baarlamaan [Guurtida iyo wakiilada] ku tilmaamay mid Somaliland lagu baabiinayo, waxaanu shacabka ugu baaqay inay maalintaas Axadda isugu yimaadaan xarunta baarlamaanka oo ay dareenkooda muujiyaan.
Eng. Maxamed iyo xubno kale oo ka tirsan madasha wada tashiga oo shalay shirjaraa’id qabtay, waxa uu si adag uga horyimid shirka uu Madaxweynuhu dalbaday oo uu ku soo hordhigayo arrinta saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabtu doonayo, wuxuu ku tilmaamay shir aan sharci ahayn. “Shirka la qaban doono Axadda ee ay isugu imanayaan labada gole

Baarlamaan oon ahayn shir caadiya oo labada gole isugu iman karaan, laakiin loo doonayo qolada guurtida inay codka badiyaan, shirkaasi waa shirkii Somaliland lagu baabiin lahaa, kaas oo ah dawlad aan ina ictiraafsanayn ayaa maanta loo wadaa inaynu noqono kalkaaliyayaashii Somaliland baabiinaysay oo la isugu yeedho labada gole oon xaq u lahayn inay isugu yimaadaan arrimahaas oo kale.” sidaas ayuu yidhi Maxamed Xaashi, waxaanu intaas raaciyay “Dhibaatadu markaas waxay tahay, waxa la doonayaa heshiis aan la tusin baarlamaanka oon cid saxeexday war loo haynin ayaa la leeyahay heshiiskaas ayaan taageeraynaa, heshiiska Xasan Sheekh laga soo saxeexay oo kale oon Somaliland shaqo ku lahayn, maalintay yimaadaan ee saldhigaas la furo ayay xorriyadii Somaliland baaba’day, Somaliland markaas ayaa ugu dambaynaysa, maanta ayaynu banaanka joognaaye waa in laga fikiraa.”
Maxamed Xaashi, wuxuu yidhi “Labadaas gole shirkay isugu iman lahaayeen maaha, waa inaanay isu iman, guurtida waxa loo doonayaa waa inay tirada kordhiyaan, markaas Somaliland waa loo soo tabcay, dad badan ayaa u dhintay, markaas maanta tii inan yari intuu meelahaas tago oo uu Abu-dhabi soo war-wareego uu dabadeedna odayaasha ka wada awood bato oo uu wixii uu doonayo marsado maaha.

Inankan yarina cagaha ha dhigo, umadaana waxan halaga daayo, waxaanu leenahay dagaal uma baahnin, nabad ayaan ku jirnaa, nabadeenaas yaan la dhaawicin, ciidanka la keenaan ciidan ma haystaan Imaaraadku ee waa Koonfur Afrikaan oo waa kuwii hore la inoogu soo kiraystay. Waxaan leeyahay balaayada inagu soo socota aynu siday tahay u aragno, Somaliland in la burbriyo uma baahna, in Xasan Sheekh waraaqo uu inoo soo saxeexay la inaga qariyo oo la yidhaahdo odayaashoow ku raacana maaha, waxaad saxeexaysaan haddii aan la idin horkeenin, waxaad saxeexaysaan muxuu noqonayaa.”

Isagoo ugu dambayn shacabka farriin u diraya, wuxuu Maxamed Xaashi yidhi “Arrintani siday tahay u qaata, Somaliland ayaa lagu baabinayaa, Wixii shirkaas ka qayb gala ee gacanta u taaga waa qof Somaliland ka soo horjeeda oo baabiinaya, dadweynahana waxaanu leenahay maalintaas la isu imanayo meesha isugu kaalaya oo masiirkiina ka taliya oo wixii aad ka qaban kartaan halaga qabto.”

Eng. Maxamed Xaashi, wuxuu qoyska Madaxweynaha ugu baaqay inaanay Somaliland ku celin dhibaatadii ay ka soo dabaalatay, isagoo madaxweynaha ugu baaqay inuu wax ka qabto arrimaha hoostiisa ka socda, “Odayaasheenan baarlamaanka ee la isugu yeedhayo waxa uu inan yari Xasan Sheekh ka soo qaaday oo laga qarinayo oo la leeyahay ogolaada annagoon idin tusin wixii lagu soo heshiiyay, taasina mid aan qaadna karno maaha. Madaxweynaha iyo ciddii dhashay yarkan yar ha hakiyeen oo ha dabreen, oo dalkan qarda-qardada haka daayeen, yarkaasi wuu ina dhibay ee haka baxo meesha.” ayuu yidhi.

Isagoo qoyska Madaxweynaha la hadlaya wuxuu Maxamed Xaashi yidhi “Reer Siilaanyo maanta yay ku celinin Somaliland dhibaatadii ay ka soo baxday, madaxweyne ka fiirso oo ka qabo dadka waxa hoostaada ka socda ayaanu ku leenahay, cid kale meesha soo dhigo maxaa ku xeeray uun intan aad wadato adigu.”

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay guddoomiyaha madasha wada tashiga Mujaahid Xasan Guure iyo Prof Cabdisalaan Yaasiin, kuwaas oo si adag uga horyimid in saldhig milatari Berbera laga siiyo dawladda Imaaraadka Carabta.