DAAWO:Xisbiga Wadani Maanta Ka Shirayo Amuura u Yaala Xukuumada iyo Sharci Dejinta + SAWIRO

Waxaana shirkan uu  yahay mid ay saraakiishani kaga hadlayaan isla markaan ay ku lafo gurayaan saamaynta uu Somaliland ku yeelan  karto saldhiga Milateri ay dawlada Imaaraadku kuu doonayso inay ka dhisato magaalada Berbera iyo waliba mawqifka ay ka xisbi ahaan ka qabaan saldhigan Milateri ee la hadal hayo.Shirkan ayaa waxa soo qaban qaabiyey xoghayaha xidhiidhka Carabka iyo dawladaha Islaamka ee Xisbiga WADDANI Ambassador Axmed Safiina,waxaana shirkan goob joog ka ah xoghayaha arrimaha dibada xisbiga WADDANI Dr Maxamed Cismaan Fadal, xoghayaha cadaaladda Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, xoghayha difaaca WADDANI Khadar Cismaan Budle, siyaasi Xuseen Axmed Caydiid, xildhibbaan Rayte, xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble, Siyaasi Axmed Xamarje, Aqoonyahan Xamse Khayre, siyaasi Nuuradiin diini,Siyaasi Cali Cantar iyo waliba masuul kale oo ka tirsan xisbigaasi WADDANI.Kulan ay albaabadu u xidhan yihiin ayaa ilaa hadda la garanayn natiijada kasoo bixi doonta,waxaana laga yaabaa inay masuuliyiintani wabaahinta la hadlaan mar uu soo dhamaado shirkani isla markaana ay ka warbixiyaan ujeedada shirka iyo nuxurka qodobada kasoo baxay.Shirkan deg deg ah ee ay yeesheen saraakiisha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa kusoo beegmaya xilli aad loo hadal hayo saldhiga Milateri ee ay dawlada Imaaraadka Carabtu ku doonayso inay ka dhisato magaalaad Berbera.

123 45678910