Maxkamadda Degmada Laascaanood Oo Go’aamo  Kasoo Saartay Guurka Gabadh Lagu Muransanaa In Muddo Ah

Intaasi ka dib waxa halkaasi ka dhashay muran u dhaxeeya qoyska marxuunkii geeriyooday iyo gabadhan,waxaana ay gabadhan maxkamadda degmada Laascaanood u gudbisay waraaq cabasho ah oo ay kaga cabanayso ehelka odaygeedii hore ee ka dhintay alla haw naxariistee,waxaana ay maxkamadda ay usoo bandhigtay in qoyskaasi ay la damacsan yihiin qorshe aanay iyadu raali ka ahayn oo Dumaal ah,waxaana maxkamadda degmada Laascaanood ka furantay dacwad u dhaxaysa gabadhan iyo ehelada uu kasoo jeedo saygeedii hore.Dhagaysiga dacwadaasi kadib maxkamadda degmada Laascaanood ayaa iyadu xukuno kasoo saartay kiiskan la isku haysto ee guurka gabadhan odaygeedu ka dhintay,waxaana ay maxkamaddu ka dhawaajisey in gabadhan ay madax banaan tahay xorna ay u tahay cidda ay guursanayso iyada oo qoyska odaygeedii horena ku amartay inay arrinkan faraha kala baxaan.

Gabadhan guurkeeda muranku ka taagnaa ayaa ka hadashay dareenkeeda ku aadan xukunkan ay maxkamaddu soo saartay isla markaana ay ku kala jihaysay labadan dhinac ee muranku ka dhaxeeyey waxaana ay tidhi iyadoo arrinkaasi ka hadlaysa.

“Maxkamadda sharfa leh waxay soo saartay oo ay warqado noogu kala saxeexday in aan bari ahay oo aan madax banaanahay qoyskaasina aanay arrinkayga waxba kusoo darsan Karin,waaan ku qanacsanahay go;aankan maxkamadda,dumaashuna dhib badan ayay leedahay”sidaas ayey tidhi.