Waftigii Kooxda Khaatumo Uga Qayb Galayey Wada Hadalada  Dalka Jabuuti Uga Bilaabmaya Dawlada Somaliland Iyo Khaatumo Oo Saaka Ka Duulaya Buuhoodle

Wada hadalkan oo wajigiisa labaad ka furmayo magaalada Jabuuti ayaa waxa waftigan Khaatumo ee hadda ka duulaya buuhoodle kuna jihaysan magaalada Jabuuti hogaaminaya sida naloo sheegay madaxwaynaha kooxdaasi Khaatumo prof Cali Khaliif Galaydh.Xubnahan kooxda khaatumo ka socda ayaa ah saddex xubnood oo uu hogaamiyo horjooge Cali Khaliif Galaydh,dhanka Somaliland waxa ka socda saddex xubnood oo uu kamid yahay gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire,waxana ay lixdaasi xubnood ku kulmi doonaan magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Wada hadalkan ayaa la filayaa inuu bilaabmo maalinka barri ah halka ay wararka qaarna sheegayaan inuu la filayo inuu bilaabmo maalinka salaasada ee fooda inagu soo haysa.

Wada hadalkan ayaa lagaga wada hadli doonaa arrimo badan oo xasaasi ah oo ay kamid tahay sidii nabad waarta looga dhalin lahaa gobolada bariga Somaliland ee dagaalada isdaba jooga ahi ka dhacayaan.

Bulshada Somaliland ayaa iyagu aad ugu dhag taagaya qodobada kasoo baxa wajigan labaad ee wada hadalka Somaliland iyo kooxda Khaatumo,iyada oo ay xusid mudan tahay in wajigii hore ee ka dhacay magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya ay kasoo baxeen  qodobo dhawr ahi.

1

 

Gabiley.Net :Kala Soco wararka Shirkaasi