Hargeysa(GNN)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley ayaa sheegaya in ciidamada Liyuu Booliska ee dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ay magaalada Allaybaday ee gobolka Gabiley ka qafasheen askari ka tirsan ciidamada booliska Somaliland gaar ahaana ciidanka booliska magaalada Allaybaday.
Xogaha ayaa waxay sheegayaan in ay ula dhaqaaqeen dhankaa iyo magaalada Harta Sheekha ee dawlad deegaanka Somalida Itoobiya.
Maamulka gobolka Gabiley iyo ka degmada Allaybaday ayaan iyagu ka hadal askariga ka tirsan ciidanka booliska Somaliland ee ay ciidanka Liyuu Boolisku qafaasheen.
Ciidamada dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ee Liyuu Booliska ayaa waxay maalmihii u danbeeyey gudaha Somaliland ka wadeen falal aan fiicnayn iyaga oo mararka qaarkoodna sifo sharci darro ah ugu talaabayey deegaanka ku teedsan xadka Somaliland isla markaana hanjabaado iyo handidaad u gaysanayey shacabka deegaanadaasi.