Hargeysa(GNN)-Hooyo Muuna Faarax Geelle iyo todoba caruur ah oo ay dhashay ayaa ka kallumaysta badda Degmada Lawyo-caddo oo u dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti,waxaana qaabka ay u maareeyaan noloshooda lagu soo bandhigay warbixin laga diyaariyey,qisadda hooyadan ayaa noqotay mid cajaa’ib ah madaama iyada iyo todobada caruura oo ay dhashay badda ka wada shaqaystaan oo ay ka wada kalluumaystaan.