Muwaadin Ganacsade ah Oo Mudo Bil ah Sifo Sharci Daro ah Ugu Xidhnaa Saldhiga Dhexe ee Hargaysa Oo ay Caawa Ciidanka Boolisku Albaabada U Laabeen Meheradiisii.

Hargaysa(GNN):-Ganacsade Mustafe Muxumed Axmed (Cadaani) oo ah muwaadin soo dajiya dawooyinka,isla markaana ogolaanshiyo ka haysta haayada dawlada ee ku shaqada leh ganacsigiisa sida wasaarada caafimaadka iyo Wasaarada Ganacsiga Somaliland sidoo kalana dawooyinkiisa u haysta liisanka ganacsiga bixiyana cashuurta waajibtay ayay caawa ciidanka boolisku Albaabada u laabeen xaruntiisii ganacsi iyaga oo halkaasi hanjabaad iyo cago juglayn u gaystay shaqaalihii ka hawl galayay meheradaas ganacsi, waxaanay dhamaanba jeelka ay u taxaaabeen shaqaalihii ka hawlgali jiray.
Mid ka mid ah ehelada ganacsadahan oo u waramayay warbaahinta ayaa waxaa hadaladiiisii ka mid ahaa
“Waxaa caawa meheradayadii albaabada u laabay ciidan uu si gaara u soo diray taliyaha ciidanka booliska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan oo ay ka muuqato cadho iyo ficil badan waxaanay gabi ahaanba jeelka u taxaabeen dhamaan shaqaalihii ka hawlgali jiray meheradayada.
Waxaan u haystaa alaabtan lisankii ganacsiga sidoo kalana waxaan bixiyaa cashuurtii I waajibtay
Alaabtan waxaa iisoo Cashuuray wasaarada Maaliyada waxaanay iga qaaday lacag dhan 1700000 milyan oo shilinka Somaliland ah xiligaas oo ay taariikhdu ahayd 11/30/2016 ayaa hadana nasiib daro waxaa laygu saaray maxkamad ciidan marna mid shicib iyada oo ay ii dheer tahay in maalinba Saldhig la ila tago wasaaradii cashuurtaa iga qadayna ilaa hada aanay ka hadal markaa waxaan waydiinayaa masuuliyiinta wasaarada iyo ciidanka booliska maxaa loo cashuuray hadii ay darogo tahay waxaan markaa leeyahay arintayda Taliyaha ciidanka boolisku Cabdilahi Fadal Caqli iyo cilmi uu iagaga tago midna malaha waxaanan dawlada leeyahay dawladaay miyiga geela ayaa la kala dhacaa magaaladana meheradaha ayaa laysku cidhiidhyaa aniga oo fahansan cida kadanbaysa waxaan leeyahay hawshada wado , Hargaysana laguma kala awood badnee”

Ganacsadahan ayaa xadhigiisu soo maray marxalado kala duwan iyada oo hore loo horgeeyay maxkamada ciidanka militariga taas oo ku wayday waxkiis ah waxaanu in ka badan mudo bil ah maxkamad la,aan ugu xidhnaa saldhiga dhexe ee Hargaysa iyada oo sida uu sheegay ganacsadahani mudadaas uu xidhnaa loo gaystay jidh dil sobobay dhaawacyo jidhkiisa soo gaadhay, waxaanu muwaadinkani xiligan maxkamad la,aan ugu xidhan yahay sifo sharci daro ah Saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa.

Si kastaba ha ahaatee Muwaadinkan ganacsadaha ah ayaa hore cabasho uga muujiyay taliyaha ciidanka booliska C/laahi Fadal Iimaan taas oo loo aanaynayo in talaabadani tahay mid uu kaga aargoosanayo muwaadinkan.