Deg-Deg:-1 Hal Qof Oo Dhintey Iyo 7 Kale Oo Ku Dhaawacmey Magaalada Baligubadle+Sababta.

Hargeisa(GNN):-War deg deg ah oo hada naga soo gaadhaya magaalada

Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd waxaa ay sheegayaan in hal uu dhintey isla markaana ay dhaawacmeen dad tiradoodu gaadheyso 7 qof oo kale .

Dadkan khasaaraha dhimashada iyo dhaawacu isku jiro soo gaadhey ayaa waxaa ay ku sugnaayeen goob dadka ay abaaruhu ku dhufteen loogu qaybinaayey raashin

Waxaana dadkaasi oo ku soo xoomay goobta ay xabadi kaga qaraxdey mid ka mid ah askartii goobta ku sugneed ee amaanka sugeysay ka dib markii ay jiidheen

Waxaana sidaasi shabakada GNN u xaqiijiyey laamaha amaanka ee Magaalada Baligubadle oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhney , waxaana ay noo xaqiijiyeen in askarigii xabadu ka qaraxdey gacanta lagu hayo , 1 qof ee dhinteyna uu yahay Wiil da,diisu tahay  25 jir isla magacaabo Cabdi Xikam Aw Cabdi Aadan Diiriye

Waxii warar ah ee ka soo kordha kala soco wararkayga danbey