(Deg Deg):- Xukuumada Oo Xabsiga Dhigtay Mulkiilihii Iyo Agaasimihii Somaliland Ee Telefishanka Universal Tv +Sababta.

Hargeisa(GNN):-Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay saaka xabsiga dhigtey
mulkiilihii guud ee telefishanka Universal Eng Axmed Abuukar iyo agaasimahii Somaliland Maxamed Caabi Digaale

Ma Cada sababta rasmiga ah ee xabsiga loo dhigay labadan masuul , waxaana uu xadhigoodu imanayaa ka dib markii ay ka yimadeen magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya .

Dhinca kale war deg deg ah hada naga soo gaadhay xarunta uu telefishankaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa waxaa uu noo sheegay in hada ay xukuumadu dib ugu soo celisay xoriyadoodii labadaas masuul ka dib markii in muddo ah ay xidhanaayeen