Guddoomiyaha Hay’adda Tayada Oo Sheegay Inay Dalka Keenayaan Qalab Lagu Eegayo Biyaha Wershadaysan Ee Dalka Lagu Farsameeyo

Guddoomiyaha Hay’adda ilaalinta tayada Somaliland Cali Maxamed Cabdule (Bikolo), ayaa ka hadlay Warshadaha Biyaha oo dalka ku soo kordhaya, iyo waxay kala socdaan tayadooda, waxaanu tilmaamay in iyagu hay’ad aanay siinin Warshada Biyaha Liisamada ay ku shaqeeyaan ee ay Wasaaradda Warshaduhu siiso, waxaanu xusay inay sameeyeen heerka biyaha lagu baadho, oo wershada buuxin weydaa aanay dalka ka shaqayn doonin.hqdefault

 

Guddoomiyaha Hay’adda ilaalinta tayada Somaliland Cali Maxamed Cabdule (Bikolo), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay tayada raashinka iyo dawooyinka ee dalka la keeno iyo waxay kala socdaan, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Warshadaha Biyaha ee dalka ku soo badanaya “Waa dhab oo warshadaha biyuhu dalka wey ku soo badanayaa, balse anagu ma siino lisamada ay ku shaqeeyaan ee waxa siisa Wasaaradda Warshadaha, laakiin waxaanu doonaynaa dhawaan in aanu baadhno, oo aanu tayadooda ogaano, sababtoo ah wadan kasta wuxuu leeyahay heer, anaguna waxaanu imika hirgalinay qaab inoo gaar ah oo imika qalabkii baa noo soo socda, Warshadii yeelan weyda heerka aanu biyaha ku eegano, ha ka yaraato ama ha ka badatee ma sii shaqeeynayso, waxa dalka ka shaqeeynaya oo qudha Warshadaha yeelan doona heerka Somaliland,”.

Guddoomiyaha Hay’adda ilaalinta tayada Somaliland Cali Maxamed Cabdule (Bikolo), mar uu ka hadlaayey Dawooyinka iyo Raashiinka ayaa yidhi “Ganacstada iyo dadka soo dejiya ee dalka keena Raashinka iyo Dawooyinka, waxaan leeyahay dalka keena oo dadka u keena Dawooyin iyo Raashin tayo leh, oo dadka anfaca, balse dadka ha caamaynina, oo wax bilaa tayo ah oo dhib iyo caafimaad daro u horseeda ha u keenin, anagu ka Hay’ad ahaan waajibkayga ayaanu ka gudanaa, oo waanu baadhnaa”