Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Wiil Baraha Bulshada Codsi U Mariyay “Aar Farmaajo Ii Geeya”

Lama oga wax yaabaha ay gaar ahaan ka wada hadleen madaxweynaha iyo wakiilkan dhalinyarrada ah, hasse ahaatee baraha bulshada ayaa la soo dhigay isaga iyo madaxweynaha oo wada taagan islamarkaana u muuqda kuwo ku faraxsan kulanka dhaxmaray.2017211636224166040370035FB_IMG_1486836122968

Wiilkan dhalinyarada ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Max’uud Cismaan oo siweyn uga soo muuqday baraha bulshada ayaa la kulmay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

Wiilkan oo ah beeraley kuna dhaqan magaalada Jowhar ayaa noqday qofkii ugu shacbiyada badnaa banaanbaxyadii lagu taageerayay doorashada Madaxweyne Farmaajo isaga oo ku caanbaxay hal ku dhag ahaa AR FARMAAJO II GEEYA oo noqday hal ku dhaga loogu hadal heynta badan yahay bulshada Soomaaliyeed dhaxdeeda.

Wiilkan ayaa markii danbe fursad u hellay uu la kulmo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, taasoo rumeysay rajadii uu ku taamayay ee aheyd in uu mar uun la kulmo madaxweynaha la doortay.