Maxaad Ka Ogtahay 7 Qodob Oo Sal U Ah Horumarka Uu Wasiir Caddaani Gaadhsiiyey Wasaaradda Warfaafinta S/Land.WQ. Saxafi, Siciid Khaddar aw C/laahi

Taariikhdu kama daasho inay qorto wax kasta oo dunida guudkeeda ka dhaca. Ha ahaato sax ama khalad, Horumar iyo dib-u-dhac iwm. Markay masuuliyad tahayna waa ka duwan tahay oo ka culus tahay, sababtoo ah, la xisaabtan baa imanaya. La xisaabtan adduunyo iyo mid aakhiro. Waxaan uga socdaa taasi ama uga sal-leeyahay, tan iyo intii M/wayne Siilaanyo Cismaan Saxardiid Caddaani u magacaabay Wasiirka Warfaafinta, waxa marba marka ka dambaysa soo shaac-baxayay Horumar balaadhan oo ka socda gudaha Wasaaradda. Wasiir Cismaan Saxardiid oo xilka hayay muddo imika gaadhaysa Hal Sanno, ayaa kaalmaha ugu horeeya ka galay Dhammaan Wasiiradii soo maray Wasaaradda Warfaafinta. Wasiiradda soo maray Wasaaradda Warfaafinta intii ay jirtay Xukuumadda M/wayne Siilaanyo ayaa tiradoodu tahay Shan Wasiir oo isaga ka horeeyey. Haddii aynu dul istaagno qaar ka mid ah, qodobada uu ku guulaystay iyo waxyaabaha u suurto-geliyey inuu guushaasi gaadho waxa ka mid ah:

  1. Waji furan: Wasiir Cismaan Saxardiid Caddaani, waa nin furfuran, kaftan badan oo dad Waa nin aan lahayn kibir iyo isla wayni oo dadku u siman yahay. Shaqaalaha Wasaaradana la saaxiib ah badankooda.
  2. Aftahano / Hadal-yaqaan: Wasiir Cismaan Saxardiid Caddaani, waa nin hadal-yaqaan ah, codkar ah oo ILaahay hibo u siiyey Af-tahano balaadhan.
  3. Nin Dhallinyarada jecel: Wasiir Cismaan Saxardiid Caddaani, wuxu qayb laxaad leh ka qaatay inay xil ka qabtaan Wasaaradda dhallinyar badan oo qaarkood Wasaaradda ka shaqayn jireen. Raga xilalka ka qabtay waxa ka mid ahaa, Maareeyaha Tvga Qaranka S/Land Khaddar Maxamed Cakule iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Axmed Abokor.
  4. Caddaalada jecel: Wasiir Cismaan Saxardiid Caddaani , waxa ilaa waqtigan Maanka Dadka iyo Maskaxda Dadwaynaha ka guuxaya, tallaabadii uu ku guulaystay ee ahayd Mushaharka Shaqaalaha Wasaaradda oo uu simay. Arintan oo ay ku guul-daraysteen inay fulliyaan in ka badan 18 Wasiir oo isaga xilka uga horeeyey intii ay Somaliland jirtay oo gaadhaysa 26 Sannadood. Waxay noqon doontaa mid taariikhda S/land baal-dahab ah ka gasha, Shacab-waynaha reer Somaliland, gaar ahaan Shaqaalaha Wasaaradduna marnaba ilaabi maayaan arintaasi.
  5. Qaranka jacayl: Wasiir Cismaan Saxardiid Caddaani, waa nin ay madax martay jacaylkuu u hayo Dalka iyo Dadka iyo waliba jiritaanka Qaranimada Somaliland.
  6. Run sheegid: Wasiir Cismaan Saxardiid Caddaani, ayaa noqonaya Wasiirkii ugu horeeyey ee ka run sheega balan-qaadkiisa ugu horeeya ee marka xilka loo magacaabo ay sammeeyaan. Wasiir Cismaan Saxardiid ayaa si dhab ah u fulliyey, balanqaadkii uu sammeeyey markii xilka loo magacaabay, hadalkiisii waqtigaasi, waxa ka mid ahaa “ umadda waxaan ugu shaqaynayaa waxii karaankayga ah.. Madaama aan ahay wasiirka cusub ee warfaafinta shaqaalahana aan badankooda is garanayo waxaan ka codsanayaa inay ila shaqeeyaa waayo hadanay ila shaqayn ana waxba qaban kari maayo” waxana marag ma doon ah inuu simay mushaharka ay qaataan dhammaan Shaqaale-waynaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.
  7. Nin Ay ka go’an tahay inuu Hormar balaadhan gaadhsiiyo Wasaaradda: Wasiir Cismaan Saxardiid Caddaani, waxa ka go’an inuu wasaaradda u sammeeyo qorsheyaal waawayn oo uu ku hormarinayo Wasaaradda. Anigoo wakiil ka ah dhammaan inta wanaaga la jecel Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, waxaan u rajaynayaa inuu ilaahay u fududeeyo waxyaabaha u qorshaysan inuu wasiirku ku hormariyo Wasaaradda Warfaafinta.

aassdd